Quantcast
Channel: Taariikhda – Gool FM
Viewing all 137 articles
Browse latest View live

HALYEEY SOO SOCDA: Donnarumma oo xitaa ku goostay halyeeyadii Franco Baresi & Paolo Maldini! (Halkee isku dhaafeen?)

$
0
0

(Milano) 26 Feb 2016 – Waxaa shalay oo ku beegnayd 25-ka Febraayo 17-jirsadey laacib-yaraha Gianluigi Donnarumma oo kubadda u qabta kooxda AC Milan, kaasoo noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee Milan u safta muddo aad u yar isagoo sidoo kale rikood cusub u dhigay Serie A kadib markii uu noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee lagu bilaabo ciyaar rasmi ah oo Serie A ah isagoo 16 jir ah.

Haddaba waxaan idiin haynaa xiddigii calaamadda u ahaa AC Milan sida Franco Baresi iyo Paolo Maldini iyo inta kulan ee ay Milan u safteen markii ay jireen da’da uu haatan jiro Donnarumma:

Franco Baresi: 17 jir, 0 kulan

Paolo Maldini: 17 jir, 1 kulan

Gianluigi Donnarumma: 17 jir, 18 kulan

b

Gool FM

 


Wax ka baro Madaxweynaha cusub ee kubadda cagta Adduunka FIFA Gianni Infantino

$
0
0

(World) 27 Feb 2016 – Aqristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo dubinaynaa waxyaabo ay tahay inaad ka ogaato hoggaanka cusub ee ay yeelatay FIFA ninka lagu magacaabo Gianni Infantino.

>- Doorashada uu ku soo baxay ninkan ayaa markii ugu horreysay la isla gaaray wareegga labaad tan iyo sanadkii 1974-kii, waana ninkii 9-aad ee loo doorto madaxtinnimada FIFA.

>- Waa 45-sano jir haysata dhalashada Switzerland iyo Italy waxaana uu dhameystiri doonaa waqtiga u haray Sepp Blatter, isagoo maamuli doona urur waynaha kubadda cagta Adduunka ee FIFA ilaa sanadka 2019.

>- Infantino waxa uu ku dhashay magaalada Brig ee Waddanka Switzerland, gaar ahaan meel 10km u jirta magaalada Visp ee uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee Sepp Blatter.

>- Madaxweynaha cusub ee FIFA ay yeelatay Infantino ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee ay yeelato FIFA ee u dhashay Waddanka Switzerland.

>- Infantino ka hor doorashadiisa cusub waxa uu ahaa xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Yurub ee Uefa tan iyo sanadkii 2009-kii, waxaana uu ku hadli karaa 5 luqadood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah Ingiriis, Jarmal, Talyaani, Faransiis iyo Isbaanish, ku darsoo Infantino sidoo kale waa qareen buuxa.

Ifantino

Gool FM.

DIB U EEGIS: Imisa jeer ay horay Juve-Milan ugu kulmeen final-ka Coppa Italia?

$
0
0

(Roma) 03 Maarso 2016 – Waxaa final-ka Coppa Italia iskugusoo baxay kooxaha AC Milan vs Juventus oo bisha Maajo ku ballansan gegada Stadio Olympico ee Roma.

Haddaba aynu qooraansanno inta jeer ee ay horay final-ka ugu kulmeen labada camaaliqo ee horyaalka Talyaaniga iyo Yurub ee Milan-Juventus.

MARKII 1-AAD:
21 Juunyo 1942 Milano-Juventus 1-1
28 Juunyo 1942 Juventus-Milano 4-1

MARKII 2-AAD:
1 Luulyo 1973 Milan-Juventus 1-1 waqtiga dheeriga ah kadib (6-3 rigoorayaal)

MARKII 3-AAD:
28 Febraayo 1990 Juventus-Milan 0-0
25 Abriil 1990 Milan-Juventus 0-1

Haddaba, sida aad arkaysaan 2 jeer waxaa badisay kooxda Juve, halka AC Milan ay hal mar badisay, haddabba Milan ayaa markan haysata fursad ay ku barbarrayso Juve oo ay xisaabta 2-2 uga dhigto, waloow Juve ay doonayso inay koobka hanato markii 11-aad, halka Milan ay rajaynayso markeedii 6-aad.

 

Gool FM

DIB U EEGIS: JUV-MIL…Imisa jeer ayay Coppa Italia ku kulmeen min 66-kii ilaa maanta? (Sidee u kala badiyeen?)

$
0
0

(Roma) 04 Maarso 2016 – Waxaa final-ka Coppa Italia iskugu soo baxay kooxaha Juventus iyo AC Milan oo 21-ka Maajo ku ciyaari doona magaalada Roma.

Haddaba, si aannu xog badan idiin siinno shalay waxaannu idin barnay inta jeer ee ay final-ka ku kulmeen oo ay markani tahay markoodii 4-aad, iminkana waxaannu idiin haynaa dhamaanba kulamadii ka tirsanaa Coppa Italia ee ay isku arkeen labadan camaaliqo, lagasoo bilaabo 1966-kii ilaa maanta.

Coppa Italia 1966-67, Semifinale unica: Juventus-Milan 1-2

Coppa Italia 1971-72, Girone Semifinale: Juventus-Milan 0-1 e Milan-Juventus 3-2

Coppa Italia 1972-73, Finalissima: Milan-Juventus 1-1 (6-3 dopo i rigori)

Coppa Italia 1974-75, Girone Semifinale: Milan-Juventus 1-0 e Juventus-Milan 2-1

Coppa Italia 1977-78, Girone Semifinale: Juventus-Milan 0-3 e Milan-Juventus 4-2

Coppa Italia 1982-83, Girone 1′ Turno: Juventus-Milan 2-1

Coppa Italia 1984-85, Quarti di finale: Milan-Juventus 0-0 e Juventus-Milan 0-1

Coppa Italia 1989-90, Finalissima: Juventus-Milan 0-0 e Milan-Juventus 0-1

Coppa Italia 1991-92, Semifinale: Milan-Juventus 0-0 e Juventus-Milan 1-0

Coppa Italia 2001-02, Semifinale: Milan-Juventus 1-2 e Juventus-Milan 1-1

Coppa Italia 2011-12, Semifinale: Milan-Juventus 1-2 e Juventus-Milan 1-2 (2-2 kadib waqtiga dheeriga ah)

Coppa Italia 2012-13, Quarti di finale: Juventus-Milan 1-1 (2-1 kadib waqtiga dheeriga ah).

B

Gool FM

Kooxda Juventus oo soo qabatay rikoodhkii AC Milan (Buffon oo mid hor leh dhigi kara!)

$
0
0

(Bergamo) 06 Maarso 2016 – Kooxda Bianconeri iyo AC Milan oo qura ayaa abidkood horay ugu guuleystey inaan gool laga dhalinin 9 kulan oo xiriir ah, iyadoo uu Buffon uu jebin karo rikoodhka goolwalihii ugu badnaa ee aan goolal laga dhalin kulanka soo socda.

Kooxda Juve ayaa 2-0 kusoo garaacday kooxda Atalanta, iyadoo ninkii ugu dambeeyay ee gool ka dhaliya uu ahaa Antonio Cassano oo ‘Gigi’, gool ka dhaliyay daqiiqaddii 63-aad, 10-kii Jannaayo.

Buffon ayaan gool laga dhalinin 843 daqiiqo, isagoo dhaafi kara Dino Zoff, oo jooga 903 daqiiqo oo gool la’aan ah, oo uu sameeyay fasalkii 1972/3.

Yeelkeede, waxaa rikoodhka guud haysta goolwalihii AC Milan ‘ee Sebastiano Rossi oo rikoodhka guud ku haysta 929 oo daqiiqo oo uu goolkiisa ilaashaday sanadkii 1992/3.

b

Gool FM

Idaacada Cayaaraha ee Gool FM oo u dabaal degtay sanad-guuradeedii afaraada iyo Mas,uuliyiin kale duwan oo kasoo qayb galay +SAWIRRO

$
0
0

IMG_8979

(Muqdisho)  16 Maajo 2016. Waxaa Hoteelka  Maka –Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflada sanad guuradii afaraad ee aas aaska idaacada Cayaaraha ee Gool FM taasi oo la aas aasay  15 Maajo 2012-kii waana tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga taago dalka waxaana xafladaasi kasoo qayb galay ku dhawaad 200 oo marti sharaf ah kuwaasi oo ka kala socday qaybaha kale duwan ee cayaaraha sida maamul,macalimiin,ciyaartoy iyo madax kale oo fara badan xilli ay waqti badan heleen dhageestayaasha idaacada oo u dub dhexaad u ah howlaha idaacada.

Ugu horeyn waxaa halkaasi heeso loogu tala galay idaacada kasoo jeediyay kooxda Jaajuumow Stars oo isugu jira fanaaniin iyo majaajiliistayaal kuwaasi oo madadaalinaayay dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada oo aad ula dhacay qaabk ay u socotay xaflada.

Waxaa kalmada koowaad lagu sharfay macalinkeena qaranka soomaaliya Maxamed Cabdulle Farayare maadaama uu ahaa qofkii noogu waaya aragsanaa dadkii xaflada joogay waxaana uu ku dheeraaday wax qabadka idaacada isaga oo cod dheer ku sheegay in magaca uu maanta bulshada ku dhex leeyhay ay siisay idaacada cayaaraha ee Gool FM waxaana uu aad ugu mahad celiyay dhamaan shaqaalaha iyo maamulka idaacada isaga oo dar daaran ugu soo jeediyay in ay sii laba jibaaraan howsha ay bahda sportska u hayaan.

Dhanka kale xaflada oo ay joogeen inta badan guddoomiyaasha kooxda heerarkooda kale duwan ayaa waxaa halkaasi hadalo kooban oo dhiiri galin ah kasoo jeediyay guddoomiyaasha kooxaha Banaadir SC oo ah kooxda rikoorka badis la,aanta ah ku qaaday horyaalka Abuukar Maxa,ed Shiikh,Guddoomiyaha naadiga Dekeda Cabdullahi Farah,Guddoomiyha Naadiga LLpp Jeenyo Jubba Ciise  iyo madax kale kuwaasi oo dhamaan sheegay in ay wada shaqeen balaaran ay kala dhexeyso idaacada iyagoo sheegay in ay haatan meel sare Gool FM gaarsisay Cayaaraha Dalka waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dhiiri galinta iyo saaxiibtinimada kala dhexeysa idaacada.

Abuukar Islow oo ku hadlayay magaca xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ka dhawaajiyay in hadal aan lagu soo koobi Karin amaanta idaacada cayaaraha ee Gool FM waxaana uu cadeeyay in horumarka maanta ee uu xiriirka ku talaabsaday ay kaalin wayn ka qaadatay idaacada Gool waxaana uu ugu baaqay maamulka in aysan ka jiifan oo ay sii laba jibaaraan shaqadooda.

Maxamed Abuukar Axmed (Ma,da) oo ku hadlayay magaca wasaarada warfaafinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xafladan oo ay kasoo qayb galeen isaga oo dhankiisa sheegay in uu aad ula socdo dhamaan barnaamijyada kabaxa idaacada oo uu talooyin badan siiyo,waxaana sidoo kale halkasi hadalo ka jeediyay rag ay kamid ahaayeen Maxamed Cumar Baakaay iyo Aways Xaaji Maxamed (Aways Cadde) oo labaduba kasoo wada shaqeeyay idaacadihii HornAfrik iyo Capital Voice.

Guddoomiyaha cayaaraha ee Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo saxiib dhow la ah shaqaalaha Gool FM ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu aad ula socdo howsha idaacada iyo kaalinta ay ka qaadatay dib u soo celinta nabada  iyo is dhex galka bulshada isaga oo sheegay in la,aanta Gool FM aysan maanta horumar badan gaari lahayn.

Guddoomiyaha siyaasada ee Degmada Cabdi-Casiis Cusmaan Muxuyidiin Cali oo ah shaqsi jecel cayaaraha kuna xiran idaacada Gool FM ayaa sheegay in uu meel fog ugu yimid ka qayb galka sanad guurada idaacada si uu farxada ugula qayb qaato bahda sportska waxaana uu sheegay in ay gacan walba oo Gool u baahatana ay ka degmo ahaan diyaar ula tahay.

Deeq Cabdullahi Nuur (Deeq Aaqriyo) oo ku hadlaayay magaca ciyaartoyda soomaaliyeed maadaama ay joogeen ciyaartoydii ugu caansanayd horyaalada kale duwan ee dalkeena ayaa waxaana uu aad u amaanay idaacad isaga oo sheegay in ay magaca ay maanta leeyihiin ay sabab u tahay baahinta ay baahisay Gool FM sidoo kale kabtanka Jeenyo Axmed Tahliil ayaa dhankiisa sheegay in aysan jirin abaal marin ay siin karaan shaqaalaha Gool maadaamashey abaal marin ka wayn ay mu teesatay.

Marti sharaf fara badan ayaa goobtaasi joogay waxaana kamid ahaa warbaahinta qaybeheeda kale duwan sida Idaacada Goob Joog maamulkeeda iyo shaqaalaheeda sida Agaasimha Xasan Maxamed Maxamuud iyo wariyaal kale oo fara badan sidoo kale Tv-ga Access TV shaqaaleheeda oo qayb wayn ka qaatay xaflada .

Ugu dambayn waxaa xaflada lagu soo dhaweeyay Agaasimaha idaacada cayaaraha dalka ee Gool FM Cabdullahi Daahir Siyaad (Dhakoos) oo aad ugu dheeraaday marxaladihii kale duwanaa oo ay soo martay idaacada iyo himilooyinka ay ku talaabsan doonaan waqtiga dhow waxaana uu agaasimaha uu aad ugu mahad celiyay dhamaan kasoo qayb galayaasha xaflada sida ay nooga ajiibeen codsiga maadaama ay waqti badan nala joogeen isaga oo balan qaaday in ay Gool FM gaari doonto 18-Gobol ee Soomaaliya sidoo kale aysan ka jiifan doonin ka sheekeenta ,ka hadlida cayaaraha dalka sidoo kale la kordhin doono barnaamiyada ka bxa idaacada isaga oo intaa raaciyay in ay soo dhawayn doonaan wax kasta oo talo iyo tusaale ah oo ku aadan shaqada idaacada’

Xaflada oo aad u qurux badnayd ayaa Agaasimaha waxaa uu shahaadooyin kale duwan guddoonsiiyay xubin kasta oo ka tirsan idaacada si shaqaalaha dhiiri galin ugu noqoto waana markii ugu horeysay ee sidan oo kale Gool FM u dabaal degto.

Agaasimha ayaa intaa ku sii daray in uu fariin ka sido Milkiilaha idaacada Gool FM Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo soo gaari waayay xaflada in uu aad ula dhacsanyahay xaflada uuna la socday bilow iyo dhamaad uuna u mahad celiyay dhamaan kasoo qayb galayaasha,shaqaalaha iyo bahda sportska waxaana uu FM Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)  oo mar kale sii adkeeyay balan-qaadyadii hore ee uu balan qaaday ee ahayd hour-marinta idaacada qaybeheeda kale duwan.

W/D:Cabdulaahi Xasan Sulaymaan (Baliil)

Baliilkhan10@hotmail.Com

Sawir qaade:Cabdi Fitaax Nani

SAWIRRO

IMG_8941 IMG_8921 IMG_8923 IMG_8926 IMG_8932 IMG_8933 IMG_8936 IMG_8938 IMG_8939   IMG_8949  IMG_8951 IMG_8952 IMG_8953 IMG_8954 IMG_8956 IMG_8957 IMG_8958  IMG_8960 IMG_8961 IMG_8962 IMG_8963 IMG_8964 IMG_8966 IMG_8967 IMG_8968     IMG_8974 IMG_8975 IMG_8976 IMG_8977 IMG_8979 IMG_8980 IMG_8981 IMG_8982 IMG_8983 IMG_8984 IMG_8985 IMG_8987 IMG_8988 IMG_8989 IMG_8990 IMG_8992 IMG_8998 IMG_9001 IMG_9002 IMG_9003 IMG_9005 IMG_9006 IMG_9007 IMG_9008 IMG_9009 IMG_9011 IMG_9030 IMG_9031 IMG_9032 IMG_9034 IMG_9035 IMG_9036 IMG_9037 IMG_9038 IMG_9039  IMG_9041 IMG_9042  IMG_9044 IMG_9045  IMG_9047     IMG_9056 IMG_9059  IMG_9066 IMG_9067 IMG_9068 IMG_9069 IMG_9070 IMG_9071 IMG_9072 IMG_9073 IMG_9074 IMG_9075 IMG_9077 IMG_9078 IMG_9079 IMG_9080 IMG_9081 IMG_9082 IMG_9086 IMG_9087 IMG_9088 IMG_9089 IMG_9090 IMG_9091 IMG_9092 IMG_9093 IMG_9094 IMG_9096 IMG_9100  IMG_9103 IMG_9104 IMG_9108 IMG_9110 IMG_9111 IMG_9118 IMG_9119 IMG_9120 IMG_9121 IMG_9122 IMG_9128 IMG_9129 IMG_9130 IMG_9131  IMG_9137 IMG_9141 IMG_9142 IMG_9143 IMG_9144  IMG_9146 IMG_9147 IMG_9149 IMG_9151 IMG_9153 IMG_9154 IMG_9155 IMG_9156 IMG_9159 IMG_9160  IMG_9167  IMG_9170 IMG_9175 IMG_9177 IMG_9178 IMG_9180     IMG_9185 IMG_9191 IMG_9192 IMG_9193 IMG_9194 IMG_9197 IMG_9198 IMG_9199 IMG_9200 IMG_9205 IMG_9206 IMG_9207 IMG_9208 IMG_9209 IMG_9210 IMG_9211  IMG_9213 IMG_9214 IMG_9218 IMG_9221 IMG_9223 IMG_9224 IMG_9225 IMG_9226 IMG_9228 IMG_9229 IMG_9239 IMG_9240 IMG_9241 IMG_9242 IMG_9243 IMG_9244 IMG_9245  IMG_9247 IMG_9248 IMG_9249 IMG_9251 IMG_9252 IMG_9256 IMG_9257 IMG_9259 IMG_9261 IMG_9262 IMG_9263 IMG_9264 IMG_9265 IMG_9266   IMG_9270 IMG_9271 IMG_9272 IMG_9273 IMG_9276 IMG_9277 IMG_9278 IMG_9279  IMG_9281 IMG_9282 IMG_9284 IMG_9286 IMG_9287 IMG_9288 IMG_9289 IMG_9290 IMG_9291 IMG_9292 IMG_9293 IMG_9297 IMG_9298 IMG_9299 IMG_9301 IMG_9302 IMG_9304 IMG_9305 IMG_9306 IMG_9309 IMG_9311 IMG_9312 IMG_9314 IMG_9315 IMG_9320 IMG_9321 IMG_9324  IMG_9328 IMG_9330 IMG_9331 IMG_9332 IMG_9333     IMG_9378 IMG_9386 IMG_9388 IMG_9391 IMG_9392  IMG_9394 IMG_9395 IMG_9396 IMG_9398 IMG_9399 IMG_9400 IMG_9401 IMG_9402 IMG_9403 IMG_9404 IMG_9405 IMG_9406 IMG_9408 IMG_9409 IMG_9413  IMG_9415 IMG_9416 IMG_9418 IMG_9419  IMG_9421 IMG_9422 IMG_9425 IMG_9426 IMG_9427 IMG_9429 IMG_9430 IMG_9431 IMG_9432 IMG_9434 IMG_9435 IMG_9436 IMG_9437 IMG_9438 IMG_9439 IMG_9440 IMG_9441 IMG_9444 IMG_9445 IMG_9446 IMG_9447 IMG_9448 IMG_9449 IMG_9450 IMG_9451

IMG_9452 IMG_9456 IMG_9459 IMG_9460  IMG_9463 IMG_9464 IMG_9465 IMG_9466 IMG_9467 IMG_9468 IMG_9472 IMG_9473 IMG_9476 IMG_9477 IMG_9479 IMG_9480 IMG_9482 IMG_9483 IMG_9484 IMG_9485 IMG_9486 IMG_9487        IMG_9504 IMG_9507 IMG_9508 IMG_9511 IMG_9513 IMG_9514 IMG_9516 IMG_9517

Gool FM

Mar ayaa loogu yeeray George Weah-yaha cusub, Waxa uu dhaliyey goolal ka badan 100, Heegan ayuu u gacan galiyey horyaalka, dalka dibadiisa ayuu ka soo dheelay! Waa kuma Jibriil Xassan Fariid? [Sawiro+Muuqaal)

$
0
0

13235732_529004310616473_2019076008_n

(Muqdisho) 21 Maajo 2016. JILKII LUMAY……Maxaa kaaga baxay? Hagaag, hadii aad tahay shaqsi la socda ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta waxaad goob joog u noqtotay xiddgo badan oo ka soo jeeda qaarada Africa oo wacdaro ka dhigay masraxa kubadda cagta dunida.

George Weah , Abedi Pele, Nwankwo Kanu, Samuel Eto’o iyo Diddier Drogba, kuma jiro mid u dhashay Somalia, maxaa wacay? Waa su’aal maan daalis ah balse aan si fudud jawaab loogu heli karin.

8

Hada, kuwaas aan xusay magacyadooda iyo kuwo kale oo aan magac dhabin oo dunida qiimeyn weyn ku yeeshay marka kubadda cagta laga hadlayo!  Somalia waxaa soo maray, hadana jooga kuwa ka wanaagsan balse fursad u waayey in hibadooda dunida kale ay aragto, sababaha wey badan yihiin , kuwo qof waliba garan karo iyo kuwo daah soon oo intii wax gala ah uun fahmi karto.

Jibriil Xassan Fariid, weeraryahanka xulka qaranka Somalia matala iyo kabtanka kooxda faca weyn ee booliska somaaliyeed Heegan waxaa toos u abaaraya labadii ereya ee aan qormo taariikheedkeyga ku furay: “Jilkii Lumay”.

1

Jibriil, oo ay da’diisu tahay 23 sano,  waxaa inta daawatay dalka gudihiisa ha joogaane ama dibadiisaba waxa ay isla qirsan yihiin in uu ka farsamo badan yahay Drogba iyo Sameul Eto’o, taas waxaa qiray tabiyeyaal fara badan oo reer Africa ah oo aan la xiriiray kuwaas oo tabinayey kulamo uu qeyb ka ahaa xiddiga isaga oo kala matalaya Somalia iyo Heegan FC.


Qeyrkaa ka har ayaan maqli jiray balse duruufihii xasilooni darada ay ugu weyneyd ayaa naga reebay jiil aan ka wanaagsan nahay balse aan ogaal uun kula jaan qaadno (Theory)!

Wiilka marka ay daafacyada il ka qaadaan  dib u gurasho moyee aan xal kale u furneyn ayaa ku soo bar baaray  xaafada xararyaale,  Wardhiigley ee caasimada Muqdisho.

Yaraantiisii waxa uu kubadda ku dheeli jiray garoonka Spain ee caanka ka ah xaafada xararyaale isaga oo ay aad u jeclaayeen dhalintii ay isku filka ahaayeen, hadii uu maqan yahay subaxaas, galabtaas lama dheeli jirin kubadda cagta.

Hadaba aan kala qaad qaadno waayihiisa ciyaareed ee uu soo maray ilaa aan ka soo gaarno hada meesha uu joogo

23 jirka kooxdii ugu horeysay ee uu u safto waxa ay ahayd  “ Bangiga”, waxaa kooxda xilligaas ka tirsanaa xiddgo waa weyn balse dadkii degaanka ayey la yaab ku noqotay in uu ka soo muuqdo 13 jir, hadana laf dhabar u ah.

Bangiga 2006 ayuu u ciyaaray balse 2007 waxa uu ku biiray isla koox degaankaas ka dhisneyn oo loo yaqaanay Uko kahor inta uusan 2008 ku mid noqon kooxda heerka kowaad ee Banaadir Sports Club.

Muddo gaaban oo uu la tababaranayey kooxda Banadir taas oo dhowaan loo caleemo saaray horyaalka heerka kowaad ee Somalia iyada oo aan marna dhineceeda dhulka la dhigin, ayaa waxaa arkay Macalin Geele oo xilligas qaranka maamule ka ahaa waxa uuna ku daray safkiisa.

2

Super Star-ka waxa uu ka soo muuqday kulamo heer qaran oo ay Somalia la soo dheeshay Djbouti, Niger iyo Kenya, waxaa xusuus mudan kulankii ay Kenya dhulka kula dheceen Djibouti balse lugtii labaad  ayagaa lagu soo reebay gool ku laadyo.

Jibriil dalka dibadiisa maka soo citaaray?

Haa, waxa uu sanadii 2010 ku biiray naadiga heerka kowaad ee Djibouti Dijoura kuwaas oo uu 9 gool u dhaliyey hal xilli ciyaareed oo uu ka mid ahaa.

3

Waxa 2010 dib ugu soo laabtay dalka isaga oo ka mid noqday Heegan FC oo dib u dhis balaaran oo isaga udub dhexaad looga dhigay ka socday.  waxa uuna wali ka tirsan yahay iyaga.

Jibriil xassan Fariid waxa uu ku hogaamiyey Heegan FC hanashada horyaalka xilli ciyaareedkii 2014-15 isaga oo dhaliyey 15 gool.

Dhaliyaha halista badan ee Heegan waxa uu dalab ka soo gaaray kooxda Al Quraaba oo ka dhisan dalka Qadar balse ma dhicin heshiis sababo la xiriira is fahan waa qodobo shaqsiyadiisa ah (Personal Terms).

12

WADARTA GOOLASHA UU DHALIYEY WAAYIHIISA KUBADDA CAGTA, GAAR AHAAN HEERKA CAALAMI (Professional Goals).

Heegan FC: 106 Gool

Dijoura: 9 Gool

Wadarta: 115 Gool.

Maxaa farxad galiya waqti uu firaaqada yahay?

Waxa uu Jibriil Xassan Fariid jecelyahay ciyaarista Play Station-ka.

Kooxaha ayuu Yurub ka taageero!

Arsenal, Real Madrid iyo Bayern Munich!

W/D: Mohamed Muse Mohamed (Moh’ed Kaafi)

Email: Muhamedkaafi@Gmail.com

Gool FM.

DHEGEYSO: Warbixin xul ah oo ku saabsan kulanka xiisaha leh ee Real Madrid vs Atl. Madrid (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Milano) 28 Maajo 2016 – Caawa waxaa final-ka CL ku faltamaya laba kooxood oo walaalo ah kulan wada Spanish ah markii 2-aad muddo 2 sano gudohood ah, waxaana isku haya kooxaha Real iyo Atletico oo ku bood boodi doona garoonka Milano oo ah magaalada 2-aad ee ay yaallaan koobabka ugu badan ee CL marka Madrid lagasoo tago.

Haddaba, waxaa kulankan warbixin xiise badan ka diyaariyey Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha Gool FM.net ee hoos ka dhegeyso.

b4

Gool FM


Taariikhdii Muxamed Cali Kalaay AUN (Qaybtii 1-aad)

$
0
0

(Louisville) 04 Juunyo 2016 – Yaa ka fekerayey in Baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Halyeygii Feerka dunida caanka ka noqday ee Maxamed Cali Kalaay ? Laakiin taasi waa xaqiiq.

Sannadkii 1954-kii magaalada Louisville ee gobolka Kentucky ee dalka mareykanka ayey ahayd markii Maxamed Cali oo markaas magaciisu ahaa Cassius Marcellus Clay da’diisuna ahayd 12-jir laga xaday Baaskiil-kiisii markaas oo isaga iyo wiil saaxiibkiis ah ay ku jireen meesha lagu magcaabo Columbia Auditorium.

Markiiba wiilkii dhallinta yaraa ee Maxamed Cali kalaay waxa uu qolka jimicsiga (gym) ka helay askari magaciisu ahaa Joe Martin, markaas ayuu isaga oo caro dhallinyaranimo ka muuqato ku yiri Martin qofkii Baaskiilkayga xaday feer ayaan ku daandaamin doonaa. Mr. Martin oo muusoonaya ayaa waxa uu yiri “Marka hore feerka soo baro”. Toddobaadyo gudohood Maxamed Cali oo miisaankiisu 89-rodol ah ayaa gaarey guushiisii u horeysey ee masraxa feerka, taas oo ay ugu xigtey 27 sano oo uu ku soo dhex jirey feertanka. Xataa waagii uu yaraa wuxuu ku hamiyi jirey in uu noqdo halyeyga feerka culus.

Guulihii uu Feerka ka gaarey Dhallinyaranimadiisii.

Feeryahanka dunida magaca weyn ku lahaa alaha u naxariistee Maxamed Cali Kalaay waxaa uu ku dhashey magaalada Louisville gobolka Kentucky ee dalka mareykanka Bishii Janaayo 17,keedii Sanadkii 1942-kii waxaana uu u go’ay feertanka, kaas oo ahaa waxa keliya ee uu qaban jirey, xaqiiqadii intii uu dhawr-iyo toban-jirka ahaa weligiis ma shaqayn, laakiin waa feertami jirey, tababar feerka ahna wuu qaadan jirey. Taas oo uu kaga soo caan baxay wiilashii kale ee da’diisa ahaa. Intii uusan 18 jir gaarin waxa uu ku guulaystey 6 biladood oo ah “Kentucky Golden Gloves”, 2 biladood oo ah “National Golden Gloves”, 2 biladood oo ah “National AAU”. Dhawr bilood kaddib markii ay da’diisu gaartey 18 waxa uu ku guulaystey biladda dahabka ah ee Olimbiga “Olympic Gold Medal” waqtigaas oo ahay sannadkii 1960 tartankaasna oo lagu qabtay magaalada Roma ee dalka talyaaniga.

Markii uu Maxamed Cali Kalaay ku soo laabtay magaalada Louisville sanadkii 1960kii waxaa si xoog leh u jirey dhinaca koonfurta dalka mareykanka kala faquuqa iyo quursiga lagu haayey dadka madow ee mareykanka waxaana loo diidey in uu ka cunteeyo maqaayad ku taal magaaladaas isagoo markaas qoorta ay uga laad-laadey Billadii dahabka ahayd ee uu ku soo guulaytey.

Maxamed Cali kalaay marka uu feertameyo wuxuu ahaa mid aad u xoog badan, waxana lagu yaqaaney feer aad u heer sareeya oo uu inta uu lugaha kor ugu boodo asagoo lugaha cayaarsiinaya uu qofkii kasoo horjeedey feer ku tuurayo. Waxa kale oo uu ku soo caanbaxay in uu noqday mid had iyo jeer hadlaya oo aan hadalka kala joojinayn, taas oo markii dambe loo bixiyey ‘Bushimihii Louisville” micnahu waa magaaladi u ku dhashey ee Louisville oo hadleysa .

Soo Islaamiddii Maxamed Cali Kalaay:

Markii uu tababarka u qaadanayey si uu ula feertamo ninkii aadka looga baqi jirey ee feerka culus horyaalka u ahaa, Sonny Liston, ayaa Kalaay waxa uu la kulmay Capn Sam oo ahaa iimaam ka tirsan Nation of Islam ee masjidka magaalada Miami ee dalka mareykanka. Markaas ayuu Capn Sam waxa uu is baray Maxamed Cali Kalaay iyo Malcolm X oo ahaa afhayeenkii Nation of Islam. Malcolm iyo wiilkii dhallinta yaraa, waa Cassius Clay’e, waxay yeesheen xiriir wanaagsan, sidaas ayaa Kalaay uga mid noqday Nation of Islam.

Maxamed Cali Kalaay waxa uu feerkii Miami kaga caraysiiyey Sonny Liston, waxaana uu noqday halyeyga feerka culus sannadkii 1964. Maalintii ku xigtey feerkaas waxa uu Clay ku dhawaaqay in uu yahay xubin kamid ah Nation of Islam.

Magaca Maxamed Cali waxaa u bixiyey asaasihii Nation of Islam oo magaciisu ahaa Elijah Muhammad, kaas oo iska fogeeyey Malcolm X . Waxaana markaas Maxamed Cali loo sameeyey agaasime cusub oo ahaa wiilka Elijah oo magaciisa la oranjirey Herbert Muhammad. Halkaas ayuuna Kalaay ka sii watey in uu cinwaankiis ka difaacdo kaamarooyinka.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee taariikhdii Maxamed Cali Kalaay la soco qeybta labaad Insha alah.

Waxaa Diyaariyey: Maxamuud Wardheere iyo Maxamed Cali.

b

Gool FM

DHEGEYSO: Taariikhdii Maxamed Cali Kalaay & qaybtii 1-aad (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Phoenix) 05 Juunyo 2016 – Muxamad Cali Kalaay ayaa dorraad fiidkii ku geeriyoodey magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee koonfurta Maraykanka isagoo uu kusoo boodey caabuq dhinac habdhiska neef-mareenka ah oo ay sababtiisu saarnayd, waxaana lagu wadaa in haddii ALLE idmo Arbacada inasoo haysa lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Louisville, Kentucky.

Haddaba, Maxamed Xaaji oo ah, tifaftiraha GoolFM.net ayaa idiin qaadaa dhigi doona barnaamij dhowr qaybood ah oo aynu ku jeex jeexi doonno sooyaalka halyeeygaa Muslimka ahaa.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 2-aad.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 3-aad.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 4-aad.

Muhammad Ali, heavyweight champion, buttons his lip as he appears before Illinois Athletic Commission in Chicago, Feb. 25, 1966. Previously, he?d said imminent army induction was unfair - touching off series of events leading to the commission reconsidering its sanction of Clay?s scheduled title defense later this month. (AP Photo)

Muhammad Ali, heavyweight champion, buttons his lip as he appears before Illinois Athletic Commission in Chicago, Feb. 25, 1966. Previously, he?d said imminent army induction was unfair – touching off series of events leading to the commission reconsidering its sanction of Clay?s scheduled title defense later this month. (AP Photo)

Gool FM

DHEGEYSO: Taariikhdii Maxamed Cali Kalaay & qaybtii 2-aad (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Phoenix) 07 Juunyo 2016 – Qaybtan 2-aadna waxaannu kaga warrami doonnaa noqoshadii Muxamed Cali ee feeryahan magac, muunad iyo milgaba ku leh mihnadda feerka gaar ahaan midda miisaanka culus

Kaddib markii uu Muxamed Cali ku guuleysey 19 feer oo ay ku jireen 15 bug-bax wuxuu qaaday tillaabadii ugu horreeysey ee jidkii caannimada iyo saamaynta waayo weligood ku jira taariikhda feerka dunida oo lagu tilmaamo kabiirka kacaamiyey ee kor u qaaday.

Haddaba, halkan hoose ka dhegeyso warbixin ku saabsan qaybta 2-aad oo uu diyaariyay Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha GoolFM.net.

b

Gool FM

 

DHEGEYSO: Taariikhdii Maxamed Cali Kalaay & qaybtii 3-aad (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Phoenix) 08 Juunyo 2016 – Waxaannu weli idiin amba qaadaynaa taariikh nololeedkii haleeygii feerka miisaanka culus ee Muxamed Cali Kalaay oo Jimcihii tegey ku geeriyoodey magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee koonfurta Maraykanka isla Jimcaha xiga lagu aasayo magaalada Louisville, Kentucky.

Qaybtan 3-aad waxaannu ku bilaabi doonnaa kusoo noqoshadii Muxamed Cali ee kanfaska riingaha leh kaddib 43 bilood oo uu dibad joog ka ahaa kaddib ganaaxii lagu saaray diidistiisii dagaalkii Vietnam.

Haddaba, halkan hoose ka dhegeyso warbixin ku saabsan qaybta 3-aad oo uu diyaariyay Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha GoolFM.net.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 1-aad

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 2-aad

b

Gool FM

DHEGEYSO: Taariikhdii Maxamed Cali Kalaay & qaybtii 4-aad (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Phoenix) 09 Juunyo 2016 – Dhegeystayaal kusoo dhowaada qaybtii 4-aad uguna dambaysay sheekooyin ku saabsanaa taariikh nololeedkii feeryahankii, gayfanihii, daacigii, shakhsiyaddii iyo xirfadlihii waynee ee Muxamed Cali Kalaay.
Sida aanu sii sheegnayba waxaa Cali laga helay cudurka lalleemada ee Parkinson’s Desease 3 sano uun kaddib markii uu feerka ka howlgabay sanaddii 1984-kii, kaasoo si uun loola xiriiriyey jugihii cuslaa ee madaxa kaga dhacayey muddadii uu ku jirey mihnadda feerka.

Haddaba, Maxamed Xaaji oo ah, tifaftiraha GoolFM.net ayaa idiin qaadaa dhigi doona barnaamij dhowr qaybood ahaa qaybtii 4-aad ee ugu dambaysey sooyaalka halyeeygaa Muslimka ahaa.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 1-aad

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 2aad.

Halkan ka DHEGEYSO qaybtii 3-aad.

b

Gool FM

MAQAAL: Maxaan ka baran karnaa shirarkii jaraa’id ee uu hore Mourinho u qaban jiray marka ugu horeysa ee ay kooxaha saxaafada u soo bandhigayeen kahor inta aysan beri Manchester United soo ban bixin?

$
0
0

jose-mourinho-chelsea-first-press-conference-stamford-bridge-media_3477420

 (Manchester) 05 Luulyo 2016. Ka soo bilow ‘The Special’ilaa iyo ‘The Happy One’, Shirarka Jaraa’id ee ugu horeya Jose Mourinho ma aha kuwa ay madadaalada ku yar tahay.

Ka soo bilow markii ay Chelsea saxaafa u soo bandhigtay bishii Juun 2004,  ku soo noqoshadiisii Stamford Bridge sagaal sano kaddib, dhamaan shirarkaas Jaraa’id waxa ay naga dhigayaan kuwo fahmi kara waxa soo socda!

Kahor shirkiisa Jaraa’id ee ugu horeya Manchester United isaga oo tababare ah, salaasada, waxaan dib u milicsan doonaa afartii jeer ee ugu dambeysay oo saxaafada loo soo bandhigo, waxaan qiimeyn doonaa balan qaadyadiisii waxa ka mira dhalay iyo kuwii fashilmay…..

Chelsea – June 2, 2004

 “Waxaan haysanaa ciyaaryahano sar sare, raali noqda hadii aan ahayn mid caasi ah, waxaan haysanaa Tababare sare. Fadlan ha’iigu yeerina caasi, waxaan ahay horyaalka Europe waxaan qabaa in aan ahay mid gaar ah (Special One).

Taas oo noqotay hadalkii ugu caansanaa ee uu ebid Tababare ka jeediyo shirkiisa Jaraa’id ee ugu horeya, Mourinho been ma sheegin, 12 bilood kaddib waxa uu Chelsea ku hogaamiyey saqafka sare  ee horyaalka 5o sano kaddib, sidoo kale kii xigay sanad kaddib.

jose-mourinho-chelsea_3550312

 “Yoolka ugu weyn ee aan leeyahay waa in aan guuleysto kulanka ugu horeya ee horyaalka 14 Agoosto. Hadafka labaad waa in aan badiyo kan ciyaarta labaad ee horyaalka 21-ka Agoosto waana sii socon doonaa.

“Waan necbahay in aan la shaqeyo saf weyn. Waxaan rabaa in saf kooban –  21 Ciyaaryahan oo lagu daray Goolhayeyaasha wax kale ma jiraan.”

Wey badiyeen kulankii kowaad ee ay Premier League gegida Stamford Bridge kula ciyaareen Manchester United, waa xigay guushii Birmingham City, kulan qura ayey guul daro dh dhamiyeen horyaalka oo dhan iyaga oo 95 dhibcood uruursaday.

Rabitaankiisii ahaa in uu saf yar adeegsado ma dhicin, waxa uu isticmaalay 30 Ciyaryahan, tiradii afraad ee Premier League-gaas ugu badneyd, ololihii xigay waxa uu dheelsiiyey 25 Laacib, tiradii afraad ee ugu yareed.

Xilli ciyaareedkii ugu dambeyey ee uu horyaalka qaaday 2014-15 kaliya 25 Ciyaaryahan ayuu safay, sideed ayuu ka yaraa Manchester United.

Inter Milan – June 3, 2008

Afar sano kaddib maalintaas, waxa ay ahayd saxaafada Italia markeeda.

Sheekadii safka kooban ayaa marka kale la soo hadal qaaday, tani waxa ay na fahansiin doontaa intii shaandho u qaadan doono iyo in kale Ciyaaryahanadii bandhigyada hoose ee Old Trafford.

 “Marka aan aqriyo saaxaafada caalamka, waxa ay u muuqataa in aan la shaqeun doono saf 60 Ciyaaryahano ah. Ma aha sax. Waan jeclahay Ciyaaryahanada. Waa koox qurux badan. Uma baahni in aan is badal badan sameyo oo kooxda ah. Waxaan qabaa in aan u bahan nahay laba ama saddex horumariya oo naga dhiga kuwa tartan adag.”

Mourinho-Inter-unveiling_2954506

Wagaas, waxa ay ahayd Mourinho oo meesha ka saaraya taariikhdii Inter. Shaki la’aan Mourinho waxa uu wajihi doonaa su’aalo ku saleysan in uu dib u soo celinayo maalmihii barwaaqo sooranka agaa ee Old Trafford, laakiin waxa ay u muuqataa in 53 jirka uu kaliya eegi doono hore, ma aha gadaal.

 “Waan in aynu ilawnaa wixii aan ku guuleysanay –  taas in lagu guuleysto ayey ahayd waana taariikh. Waan in aynu leenahay yool cusub. Waxaan jeclahay in aan guuleysto mar walbana waxaan dhinac iska dhigaa wixii hore, waxaan ka fekeraa mustaqbalka.

“Hadii qof ii sheego Inter in ay horyaalka ku guuleysatay ololihii tagay, waxaan ka door bidayaa in aan dhoho Inter waxa ay ku guuleysatay 16 mar, laakiin 16-kaas hada waa taariikh. Waxaan rabaa in aan badalo falsafada kooxda, taas waa igu caqabad.”

Farqiga? Inter waxa ay ku soo guuleysatay saddex Serie A oo xiriir ah kahor inta uusan Mourinho iman. Wuu sii waday taxanahaas, isaga oo ku guuleystay laba is xiga oo lagu daray Champions League.

Real Madrid – May 31, 2010

Kaddib lix bilood oo mushaakil ahaa waqtigiisii ugu dambeyey Chelsea, dadka qaar waxa ay ka cabsi qabaan Mourinho oo badaln in uu yimaado Manchester. Markii uu yimid Bernabeu 2010, waxa uu saxaafada u cadeyey in uu yimaado, oo uu wax walba rabo.

 “Waxaan ahay Jose Mourinho mana is badalo –  waxaan la imaadaa tayadeyda iyo xumaanteyda.”

jose-mourinho-jorge-valdano-real-madrid_3202556

Mourinho hore waxa uu u qadeyey in guusha aysan shaqsi ahayn marka la eego Ciyaaryahanada, laakin ay tahay koox, markaa, side ayuu ula tacaali doonaa xiddigaha waa weyn ee United, kuwii hore u joogay iyo kuwa imanaya?

Isaga oo caqabad kala kulmay Laacibkii mar ahaa kan dunida ugu qaalisan, Cristiano Ronaldo in uu noqdo Ciyaaryaha koox, waxa ay ku dambeysay in Mourinho uu qiro in ninka ay dal wadaaga yihiin in uusan qaadan amarada qaar ee la siiyo ee kaartada ku saleysan. Maalmo uun kaddi wareysi uu bixiyey markii uu ka tagay Real.

Laakiin markii uu yimid, rabitaankiisa waxa uu ahaa mid cad……

 “Waxaan fahansanahay in Ronaldo uu Ciyaaryahan Real Madrid u ah yahay iyo kubadda cagta aduunka. Laakiin waa in Ciyaaryahanadeyda ay fahmaan in waxa ugu muhiimsan ay tahay kooxda.

“Cristiano waxa uu jecelyahay in uu guuleysto, markaa hadii uu jecelyahay guusha ma aha mid adag in wax loo sheego, ahmiyada ugu weyn ma aha in aad ahaado tababare ama Ciyaaryahan ee waa kooxda.”

jose-mourinho-cristiano-ronaldo-real-madrid-old-trafford-manchester-united_3473202

Muxuu ka oran doonaa saaxiibkiisii hore Louis Van Gaal? Ma jiri doontaa wax murudo ah?  Markii uu badalay Manuel Pellegrini oo ahaa Tababarihii Real, waxa uu u xagliyey ganacsiga kubadda cagta ee hunguri goyska ah.

 “Shaqo ka eryidii Pellegrini ima farxad galineyso. Marnaba kuma farxo burinta Tababare, laakiin tani waa kubadda cagta. Waxaan ahay Tababare han weyn leh oo kalsooni qaba mana ka fekero suurtagalnimada ah in la’I cayriyo.”

Chelsea, round two – June 10, 2013

“Waxaan ahay kan faraxsan”.

Wuuna ahaa, marka ugu yaraan la eego xilli ciyaareedyadaas. Dib u dhiska waxa uu qaatay sanad kahor inta uusan Premier League ku soo noqon Stamford Bridge 2015.

Markii labaad ee ay Chelsea soo bandhigeysay waxa uu door biday ka hadalka “Xasilooni” Toddobo mar “Farxad” 22 jeer “Duwanaansho” 13 mar. Laakiin waxa ay ku dambeysay isla qaabkii, Mourinho waxaa eryey Roman Abramovich bishii December 2015, 7 bilood kaddib markii uu ruxay horyaalka.

jose-mourinho-chelsea-press-conference-unveiling_2957620

 “Kalama hadashid cadawgaaga dicifnimadaada, cadawgeyda waxa ay aqrisanayaan jaraa;idada, waxa ay daawamayan telefishinada. Waan qarinaa diciifnimadeena. Ciyaaryahan walba, Tababare kasta meel ayuu diciif ka yahay. Waxaad isku daydaa in aad qariso. Markaa fursadaas siin maayo cadawga, iyada oo ay xushmad ku jirto maxaa yeelay, ciyaaraha, cadawga ma aha cadaw dhab ah. Waan garanayaa diciifnimadeyda, ma badna, laakiin waxaan isku dayaa in aan horumariyo oo aan qariyo.”

Miyuu la imanayaan Manchester United diciifnimo ka badan intiisii sideed bilood kahor markii uu ka tagay Chelsea? Waqtiga kaliyaa sheegi doona.


WAXAA QORAY: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

GOOL FM.

11 Geesi oo haleeli waayey ku guuleysiga tartan weyn oo caalami ah

$
0
0

cristiano-ronaldo_1fb4w3rh7kejr1w51xkrou32zr

(Muqdisho) 08 Luulyo 2016. Kabtanka Portugal waxa uu ku dhawyahay in uu sameyo wax uusan waligii sameyn –  ku guuleysiga tartan weyn oo caalami ah. Waxaa eegi doonaa magacyo kale oo aan guushaas gaarin.

cristiano-ronaldo-portugal-euro-2016_3gvshxas8dxy1i0f5jvfrclwz

Cristiano Ronaldo | Portugal:Waxa uu gaaray saddex afar dhamaad, hada waxa uu u diyaar garoobayaa fiinaalihiisii labaad ee uu Portugal la gaaray, laakiin wali kuma guuleysan tartan weyn.

lionel-messi-argentina_zuy6wp9cbrme1o3yy85jxdeem

Lionel Messi | Argentina: Kaliya waxa uu ku guuleystay bilad dahab oo olibikada ah-  waxa uu guul dareystay afar finale – Koobkii aduunka 2014; Copa America 2007, 2015 iyo 2016. Ka fariisiigii ciyaaraha caalamiga ah maka dhigan tahay in taas aynu waligeyn arki doonin?

raul-gonzalez-spain_1m0hn0l4n64ty1f4iskd3fau49

Raul Gonzalez | Spain: Halyeyga Real Madrid waxa uu gaaray sideed dhamaadka Euro 2000 isaga oo matalaya La Roja halka uu sidoo kale sideed dhamaadka tagay koobkii aduunka ee 2002.

luis-figo-portugal_kma1vh4aanvm1i3t5h1oasvwr

Luis Figo | Portugal :  Waxaa Euro 2004 looga qaaday fiinaalaha isaga oo ka garab dheelaya Cristiano Ronaldo.

paolo-maldini-italy-euro-2000_bot2hfw66ru3zzhp9b1q06p4

Paolo Maldini | Italy: Waxaa fiinaale looga qaaday koobkii aduunka ee 1994 iyo Euro 2000.

roberto-baggio_60w8aaxtxzap1j4irf9f9phe1

Roberto Baggio | Italy:  Waxaa fiinaale looga qaaday koobkii aduunka ee 1994.

zico_1lxwvdtu0guoe1kc09siq1gjqn

Zico | Brazil: Waxa uu ciyaaray saddex koob aduun laakiin heerka ugu sareya ee uu ka gaaray waa afar dhamaad sanadii 1978.

johann-cruyff_xyhh6s9q42911py9lztseagho

Johan Cruyff | Netherlands:  Halyeyga Holland ee geeriyooday waxaa fiinaale koob aduun laga qaaday 1974.

george-best-manchester-united_61gieq1cogyq1g3k4jval8lri

George Best | Northern Ireland: Wiligii xitaa kuma dhawaan in uu ku guuleysto tartan weyn oo caalami ah.

eusebio_yk66fsdzsoqv1fbjbdcr7l2ap

Eusebio | Portugal: Waxa uu gaaray afar dhamaadkii koobkii aduunka ee 1966.

ferenc-puskas_nl27ay33unr419xm1dxh6wv2o

Ferenc Puskas | Hungary: Waxaa laga qaaday koobkii aduunka ee 1954.

stanley-matthews-blackpool_1cxl4j6jovddq15dgngw357rq8

Kenny Dalglish | Scotland: Saddex koob aduun ayuu ka qeyb galay balse kama gudbin heerkiisa Group-yada.

kenny-dalgish_5crbfgc9oqwd17aoxa06fn24n

Stanley Matthews | England: Waxa uu gaaray sideed dhamaadka koobkii aduunka ee 1954.


 

BY: COLUMNIST: Mohamed Musa Mohamed (Moh’ed Kaafi).

 

Gool FM.


Arda Turan oo beeniyey in uu ‘Like’ saaray dhaq dhaqaaqyada Twitter-ka ee Real Madrid

$
0
0

14709901716772

(Catalonia) 13 Agoosto 2016. Laacibka khadka dhexe ee Barcelona ayaa beeniyey in uu isaga ahaa qofka ‘LIKE’ saaray Twitter-ka Real Madrid dhaq dhaqaaqooda.

Turan waxaa lagu edeeyey in uu jecleystay funaanad ay Real Madrid leedahay oo wadatay calaamad xuseysa koobkii UNDECIMA ee ay San Siro ku qaadeen kal hore.

Hayeshee, waxa uu sheegay in Twitter-ka laga jabsaday.

“Laba maalin kahor akoonkeyga waa la jabsaday muddo kooban,” ayuu ku soo qoray bartiisa bulsahda.

“Intaas waxaa lagu sameeyey ‘LIKE’ oo la saaray laba sawir aniga oo aan la socon.”

“Two days ago my account was hacked for a brief period,” he wrote on the social networking platform.

 

Gool FM.

Kaddib guushii waqtiga dhimashada ee Man United ay xalay ka gaartay Hull City, wax ka baro kooxaha ugu badan taariikhda Premier league ee waqtigaas oo kale gool ay dhaliyeen guul ku gaaray

$
0
0

United

(Madrid) 28 Agoosto 2016 – Kooxda Manchester United ayaa saddexdii daqiiqo ee dhammaadkii ciyaarta lagu kordhiyey gool uu dhaliyey Marcus Rashford guul kaga gaartay xalay naadiga Hull City.

Haddaba kaddib guushaas waxaan halkaan ku eegeynaa kooxaha xilliga dhimashada ama 90+ goolka guusha oo ay dhaliyeen guul ku gaaray taariikhda Premier League.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu badan ee xilliga dhimashada gool ay dhalisay guul ku gaartay taariikhada Premier League, waxaana ay sidaas sameysay 28 jeer, kaalinta labaad waxaa fadhisa Arsenal oo 21 jeer xilliga dhimashada gool ay ku badbaaday dhalisay EPL, halka kooxda Chelsea ay deggan tahay kaalinta saddexaad.

Manchester United oo xalay waqtiga dhimashada goolka goosha la timid Premier League ayaa ah kooxda shanaad ee sidaas samaysa, waxaana ay xalay sameysay markeedii 18-aad, iyadoo hal mar oo qura ka dambeysa kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Everton.

Hadda halkaan hoose ka eeg kooxda ugu badan ee 90+ gool guusha la yimid taariikhda Premier League:-

 Liverpool – 28

Arsenal – 21

Chelsea – 20

Everton – 19

Man Utd – 18

Gool FM.

Wax kabaro Taariikhiida Kooban Ciyaaryahan Qubaaye Yare Cabdalle

$
0
0

14695452_911417222324786_7349044558164707451_n

(Muqdisho) 12 Okt 2016Magaciis oo Buuxa Waa, Cabdikariin Cabdalle Maxamuud (Qubaaye).

Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa,Da’adiisu waa 22 sano Jir, ka ciyaara booska Khadka dhex weerarka.

Xiddigan Waayahiisa kubadda cagta wuxuu ka soo billowday, heer xaafadeed, wuxuu ku ciyaari jiray garoomada bacaadka, oo ay ku wada ciyaari jireen asxaabtiisa, wuxuuna ahaa dhallinyarada ku noolo xaafadda kan loogy jecelyahay, marka uu ciyaarayo kubadda cagta, wuxuuna inta badan ku dheeli jiray, Sallax ka dhisan Xaafada SOS ee degmada Heliwaa oo lagu magacaabi jiray Shaleymo Cabdi Wayee.

Dhallinta ku nool Suuqa Xoolaha, marka ay is ballansadaan, waxay ku tartami jiren inuu ka garab ciyaaro Qubaaye. Markii uu 13 jirsaday, ayey soo dalbatay koox xiligaas ka ciyaari jirtay horyaalka heerka Seddexad ee C, waana kooxda lagu magacaabo Qodaxley.

Kooxda Qodaxley waxay ka mid ahayd markaas, kooxaha ka ciyaara heerka seddexad kuwa ugu awoodda badan, waxeyna u dooratay ciyaar yahan Qubaaye, Kabtanka hoggaamiya kooxda. Naadiga Qodaxley, intuu joogay Bandhigyo wanaagsan ayuu halkaas kusoo bandhigay, kuwaas oo ugu dambeyn suurta galiyey inuu dalab waa weyn ka helo kooxaha waa weeyn ee markaas Tartanka ka qeyb galayey.

Macallin Cabdi Joon oo xilligaas ahaa Hoggaamiyahii Kooxda Horseed, ayaa la dhacay qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee uu soo bandhigay sanadkas, isaga oo ku guuleystay inuu keeno Qubaaye kooxda Horseed, ee lagu naynaaso Cawo iyo Maalin. dhamaadkii 2014 wuxuu ku soo biiray Kooxda Dekeedda FC oo markaas ciyaareysay heerka koowad ee horyaalka, isaga oo mar kale la midoobay macalinkiisi hore ee kooxda Horseed, Cabdi Joon, wuxuu la soo qaatay guulo waa weeyn mudadii uu ku sugna Naadiga, isla 2014 ayaa looga yeeray xulka 20 jirada ee Qaranka Somalia, oo ka qeyb galiyey tartankii Olimbikada ee ka dhacay dalka Suudan.

W/D: Cabdifitaax C/rashiid Abuukar (Nani)

11052419_636119903189741_7201472047119835464_n 11149281_621502127984852_4463170253068406219_n

Gool FM

5 qodob oo qayaxan oo ku saabsan ku dabaaldegista kooxdaadii hore! (Qaybtii 1-aad)

$
0
0

(Gool FM) 22 Okt 2016 – Dhegeyso laacibiinta kubadda cagtoow, kubaddu waxay leedahay xeerar qoran iyo kuwo aan qornayn, hagaag, kuwa qoran waxaa qayb ka ah inaadan qalbiga ka jebing taageerayaashii beri kuu sacbin jirey, adigoo inta gool ka dhaliyay misna bood bood indha-hadal ah ku sameeynaya. Maya! Sidaa ha sameeynin.

Haddaba, annagoo qormadan ku qaadaa dhigayna moowduuc ku saabsan arrintan aan idiin firo 5 qodob oo qayaxan oo khuseeya ku dabaal degista gool aad ka dhalisay naadigaagii hore. Hadde la soco waa ku dabbaaldegista ee ma aha u dabbaaldegis ama la dabbaaldegis toona.

1 Marna haku kor dabaal degin naadi kuu arka halyeey

Manchester City's English midfielder Frank Lampard (L) greets former team-mates Chelsea's Spanish defender Cesar Azpilicueta (C) and Chelsea's English defender John Terry (R) at the end of the English Premier League football match between Chelsea and Manchester City at Stamford Bridge in London on January 31, 2015. AFP PHOTO / IAN KINGTON RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or live services. Online in-match use limited to 45 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications (Photo credit should read IAN KINGTON/AFP/Getty Images)

Qodobkani waa sahlan yahay.

Waxaadna ka qalin daaran kartaa oo kuwa aadka loo xusuusto kuwii ugu dambeeyay ka mid ahaa Frank Lampard oo aan ku diganin taageerayaashiisii hore ee Chelsea markii uu gool u dhaliyay Man City.

Laacibkan ayaa Blues u dhaliyay 211 gool 648 kulan oo uu u saftay isagoo la hantay koob kasta oo maxalli ah oo laga qaado England, iskaba daa 1 Champions League iyo 1 Europa League.

Henrik Larsson isna xitaa muu dhoola caddeeynin markii Barcelona gool u dhaliyay isagoo ka horjeeda kooxdiisii hore ee Celtic koobka Champions League.

Wuxuu laacibkani 242 gool u dhaliyay kooxda Hoops oo uu la qaatay 7 fasal-ciyaareed oo filsamaa, taasoo Swede-kan ka dhigtay nin ay ku dhaataan taageerayaasha kooxdan reer Scot.

2 ha dabbaal degin haddii aad kooxdaadii hore jug wayn u gaysatey

27th July 1973: Scottish footballer Denis Law after his transfer from Manchester United to Manchester City. (Photo by Mike Stephens/Central Press/Getty Images)

Denis Law waa halyay Man United u dheeli jirey. Taas wax yar oo shaki ihi kama jiraan. Waa gartay.

Wuxuu ka mid yahay taallo qotonta bannaanka gegada Old Trafford oo uu ku jiro 3 halyeey oo ay labada kale yihiin George Best iyo Bobby Charlton.

Haddaba, qiyaas markii 1974 ninkan Scotsman-ka ihi uu gool u dhaliyay Man City isagoo ka horjeedey United taasoo keentay inay heerka 2-aad u noqoto kooxda Man U?!!

Law ma uusan dabaaldegin, balse sidoo kale wuxuu goolkaasi ku noqday sidii ROOXAAN cabsi leh oo maskaxdiisa kusoo laalaabata oo kale, mar dambana ma dhicin inuu dheelo kulan rasmi ah.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

b

Gool FM

DIB U EEGIS: Kahor Chapecoense ka bogo inta kooxood/xul ee shil dayuuradeed ku baaba’ay taariikhda!

$
0
0

(Gool FM) 30 Nof 2016 – Waxaa shalay ay dayuuradi la dhacday kooxda reer Brazil ee Chapecoense oo u safraysay dalka Colombia iyadoo u socotey magaalada Medelin ee dalkaasi Colombia oo ay final-ka Copa SudAmericana kula ciyaari lahayd kooxda Atletico Nacional.

Waxaana kooxdaasi oo ay haatan ka nool yihiin 5 laacib oo aysan 3 dayuuraddaba la soconin, sidoo kale la geeriyoodey shaqaalihii, tababarkii iyo 21 weriye.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa dhamaanba inta kooxood ee ay taariikhda dayuuradi la dhacay.

DIB U EEGIS | Laacibiintii ay dayuuraduhu la dheceen

  • Maajo 4 1949

    b

    Kooxda Torino

    Dayuurad siddey horyaalladii Talyaaniga ee xilligaas ee Torino ayaa shil ku le’dey iyagoo kasoo noqonayay ciyaar ay Lisbon kulasoo yeesheen kooxda Benfica, waxaa shilkaa ku dhintay 31 qof oo ay ku jireen 18 laacib oo ka tirsanaa kooxda Torino oo berigaa la qaban la’aa, welise kama soo kaban jabkaas.

  • Febraayo 6, 1958

    Musiibadii Munich

    23 qof, oo ay ku jiraan 8 laacib oo ka tirsanaa Manchester United players iyo 3 shaqaale, ayaa ku dhintay, kaddib markii ay dayuuraddu dhacday iyadoo kasoo kacday meel ay shidaal ka qaadatay, waxayna kasoo noqotay ciyaar ka tirsanayd European Cup oo ay kaga horjeedey Red Star Belgrade.

    Dadkii toodu gashay waxaa ka mid ahaa Duncan Edwards, oo markaa loo arkayay laacibka ugu wanaagsana England. Bobby Charlton iyo Matt Busby ayaa ka mid ah dadkii ka badbaaday.

  • Luulyo 16, 1960

    Xulka Qaranka Denmark

    b1

    Dayuurad u kiraysnayd Xiriirka Danish Football Association, ayaa ka kacday Copenhagen waxayse ku dhacday isla Øresund oo 50 mitir uun u jirta xeebaha Copenhagen, kaddib markii uu duuliyuhu xakamayn waayay dayuuradda.

    Waxaa saarnaa 8 laacib oo u socdey Herning Airport si ay uga qayb galaan xulista laacibiintii Danish-ka ku meteli lahayd ciyaarihii Olombikada ee la qabtay 1960-kii.

  • Sebt 26, 1969

    Kooxdii ugu Adkayd

    Dayuurad siddey laacibiin badankoodu reer La Paz ah oo Bolivian ah ayaa ku dhacday degaanka fog ee Viloco (oo ku taalla dhulka sare ee Tres Cruces Peaks). Waxaa ku baxay gebi ahaanba 74 rakaab ahaa oo ay ku jireen macallin Eustaquio Ortuno, 16 laacib iyo shaqaalihii kooxda.

  • Agoosto 1979

    FC Pakhtakor

    17 laacib iyo shaqaalihii kooxda FC Pakhtakor oo ah koox ka dhisan caasimadda Uzbekstan ee Tashkent ayaa ka mid ahaa 178 qof oo ku naf waayay isku dhac hawada ahaa.

  • Diseembar 8, 1987

    Alianza Lima

    Dayuurad Fookar oo ay lahaayeen Ciidamdda Badda Peru, F27-400M balse ay ijaarteen koox heerka 1-aad ah oo la yiraahdo Alianza Lima ayaa ku dhacday Badda Deggan ee Pacific Ocean iyadoo 6 mayl uun u jirta meeshii ay u socotey oo ah degmada Ventanilla oo ka tirsan Callao.

    Waxaa saarraa 44 qof, waxaana ka mid ahaa 16 laacib, macallimiin, shaqaale, taageerayaal iyo shaqaalihii dayuuradda. Duuliyihii unbaa ka badbaaday.

  • Juun 7, 1989

    11-kii Midabaysnaa

    Koox laacibiin ah oo Surinamese ah oo ka dheelayay Netherlands ayaa sameeyay koox loo bixiyay 11-kii Midabaysnaa (afka Dutch-ka Kleurrijk Elftal) waxaase shil la gashay Surinam Airways Flight 764, oo kasoo duushay Amsterdam, balse ku dhacday Paramaribo-Zanderij.

    14 laacib oo kasoo jeeday Surinam iyo macallinkii, kuwaasoo ka dheeli jirey horyaalka heerka 1-aad ee Eredivisie iyo midka 2-aad ee Eerste Divisie ayaa ku dhintay, waxaana wehliyay 176 qof oo ka mid ahaa 187 rakaab ah iyo shaqaalihii dayuuradda.

  • April 27, 1993

    Zambian national team

    b1

    Xulka Qaranka Zambian ayaa ka mid ahaa 30 qof oo ku dhintay shil dayuuradeed oo ka dhacay Badwaynta Atlaantigga, meel 500 mitir u jirta xeebaha Gabon. Wuxuu xulka Zambia u safrayay dalkaasi Senegal si uu ugula soo ciyaaro isreebreebka KA1994 lagu qabtay Maraykanka.

    b

    Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

    Tifaftiraha: GoolFM.net

Viewing all 137 articles
Browse latest View live