Quantcast
Channel: Taariikhda – Gool FM
Viewing all 137 articles
Browse latest View live

Sir Alex Ferguson oo sheegay dhacdo uu sameeyey fiinaalihii 2008 ee Champions League-ga oo uu ka shalaayo

$
0
0

Manchester United Training & Press Conference - UEFA Champions League Final

(London) 21 Mar 2017. Tababbarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson waxa ay uu sheegay in uu hal shalleyto qabo mara ay timaado fiinaalihii ay Champions League-ga 2008 la dheeleen Chelsea.: Ka reebidda safkii Park Ji-Sung.

Laacibka u dhashay Koonfurta Kuuriya walaga soo tagay iyada oo ay United gool ku laadyo ku qaaday tartanka.

Ferguson waa aad loogu garanayey qaadashada go’aanada adag laakiin Park in uu qeyb ka qaato fiinaalaha ayaa la qabay maadama uu ciyaaray afar dhamaadkii ay Barcelona soo reebeen.

Ferguson oo aan qoomamo badan qabin ayaa qiray in uu ilaa maanta ay ku soo dhacdo sababta uu uga reebay Park.

“In aad ku guuleysato koobka Europe waa cajiib,” ayuu yiri Ferguson.

“Xaqiiqdii waxa ay ahaayeen ciyaaryahan xul ah oo niyad fiican leh, saf xoog leh.

“Dhibteydii fiinaalihii 2008, oo aan xitaa aan aanta ka qoomameeyo,  ayaa ah markii aan Ji –Sun Park ayaa gabi’ahaanba safka ka reebay. Door wanaagsan ayuu ciyaaray taasna waa dhibaato marka aad fiinaalahan dheesho.”

“Wembley [2011] waxaan ku sameeyey Dimitar Berbatov xumaan buu u qaatay. Uma uusan qalmin. Ma jiro ciyaaryahan u qalma in laga tago fiinaale.

“Taas waa sababta aan aad isugu dayeyno simaanaradan Europe in aan ay isku dayaan oo ay fiinaalaha haystaan 11 bedel. Waxaad arkeysaa afar ama shan tarbuunka saaran oo kaalin muhiim ah ka soo qaatay in aad halkan soo gaarto.”

Manchester United's South Korean midfiel

Gool FM.


BANDHIGGA XAAJI: KU CELIS….Fanaannadda caanka ah ee Farxiya Kabayare halkee ciyaaraha ka joogtaa kooxdeese taageertaa? + Taariikhda jookarka Real ee CR7 + qodobadii xiisaha iyo la yaabka badnaa.!! (Dhegeyso)

$
0
0

(Gothenburg) 30 Maarso 2017 – Dhegeysatayaal waxaannu dib ugu noqonnay kaydka cajaladaha GoolFM.net oo aannu idiinkaga soo qabannay qayb ka mid ah barnaamijkii Bandhigga Xaaji oo mar ka bixi jirey webkan iyo idaacadda Gool FM.

Qaybtan oo kaydka loo qabtay 22-kii Nofeembar 2013 waxaa ku jira qodobbo xiise leh oo ay ka mid yihiin sida ay kubadda isku yihiin fanaanadda caanka ah ee Farxiyo Kabayare, taariikhdii CR7 iyo qodobbo kale oo wada ah la yaabka ciyaaraha.

Haddaba, halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka oo uu idiin wado Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha webka GoolFM.net.

FG: Barnaamijkan waxaan ugusoo celinney codsi dadwayne maaddaama ay ku jiraan waraysiyada dad caan ah, taariikhaha laacibiin badan iyo sidoo kale qodobbo xiisa leh oo aan badankoodu dhicin.

Bandhigga

Gool FM

SOOYAAL: Lionel Messi oo goolkiisii 500-aad xalay ka dhaliyey

$
0
0

4790242_herol

(Madrid) 24 Abriil 2017. Lionel Messi waxa uu xalay markale wacdaro ku dhigay Real Madrid kulankii El Classico ee ka dhacay Bernabeu.

Ciyaarta oo ahayd mid ahmiyad ballaaran u leh ololaha Messi ayaa waxa uu dhaliyey laba gool.

Goolashiisa kaliya ma aysan furin loolanka La Liga balse waxa ay uga dhignaayeen taariikh qaali ah.

Kulanka inta uusan bilaaban waxa uu lahaa 498 gool marka la’isugu geeyo waayihiisa oo dhan.

Yeelkeede, waxa uu Real ka dhaliyey laba oo gaarsiiyey 500!

Barcelona guushaas dahabiga ah waxa ay dhibcaha iska le’ekaadeen Los Blancos oo 15kii daqiiqo ee ugu dambeeyey 10 nin ku dheeleysay kaddib markii Sergio Ramos kaarka cas loo taagay.

 

Gool FM.

Mourinho oo xalay sooyaal ku dhigay Friends Arena

$
0
0

jose-mourinho_fh5qa36yvfia191t15cdjnggk

(Manchester) 25 Maajo 2017. Jose Mourinho waxa uu sameeyey taariikh kaddib markii uu noqday tababbarihii ugu horreeyey ee ku guuleystay Europa League-ga iyo Champions League-ga tiro min laba jeer ah.

Manchester United waxa ay 2-0 uga badisay Ajax kaddib markii ay goolasha u dhaliyeen Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan, taas waxa ay ka dhigneyd in Jose Mourinho uu sameeyo taariikh.

Tababbaraha reer Portugal waxa uu kula guuleystay EUFA Cup oo hada loo yaqaan Europa League kooxda Porto iyo Champions League-ga halka sidoo kale uu Inter Milan la qaaday Champions League—ga.

Hadda oo uu la qaaday Manchester United Europa League-ga waxa ay la mecne tahay taariikh cusub oo uu dhigay.

Guushii ay United xalay ka gaareen Ajax oo da’yar ahayd waxa ay ka dhigan tahay in ay u soo bexeen Champions League-ga kal dambe.

Kooxda waxa ay ku dhammeysatay kaalinta lixaad horyaalka maxaliga ah balse Mourinho waxa uu filayaa in ololaha dambe uu bilado ku qaadi doono gudaha iyo qaaraddaba.

Gool FM.

DHEGEYSO: JUVENTUS VS REAL MADRID….Warbixin xul ah oo ku saabsan kulanka dhamaadka CL (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Cardiff) 03 Juunyo 2017 – Waxaa caawa ciidda Wales ku coltamaya camaaliqada Cad oo koobkeedii 12-aad ku taamaysa iyo Kabawaynta reer Talyaani ee Juventus oo 2 jeer uun taajka la saaray, balse kororsi ku tala jirta.

Labadan kooxi waxay Yurub ku kulmeen 18 jeer, waxayna middoodba badisay 8 jeer, halka ay 2 jeer barbarro noqdeen.

Haddaba, hoos ka dhegeyso warbixin uu ciyaarta caawa ka diyaariyay Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha GoolFM.net.

b

Gool FM

Sanchez oo dhigay sooyaal xalay

$
0
0

Sancho

(Moscow) 23 Juunyo 2017. Weeraryahanka Chile iyo Arsenal Alexis Sanchez ayaa noqday dhaliyaha ugu goolasha badan taariikhda xulkiisa kaddib markii uu xalay ugu shubay mid Germany.

Kulanka oo ku soo idlaaday 1-1 ayuu Alexis Sanchez ku dhaliyey goolkiisii 39-aad ee qarankiisa.

Xiddiggaha uu Sanchez dhaafay waxaa ka mida halyeyadii La Roja sida Marcelo Salas iyo  Ivan Zamorano.

Marka laga yimaado guulaha shaqsiyadeed ee uu ku tallaabsanayo Sanchez, hadana cago kuma taagna mustaqbalkiisa Arsenal.

Waxaa lala xiriirinayaa kooxo ay ka mid yihiin Manchester City, Bayern Munich iyo Real Madrid.

Gool FM.

DIB U EEGIS: Ka bogo 11-ka laacib ee u wada ciyaaray kooxaha Juventus, AC Milan & Inter Milan + Sawirro

$
0
0

(Roma) 16 Luulyo 2017 – Waxaa Jimcihii kooxda AC Milan iska xaadiriyay xiddiga daafaca ka dheela ee Leonardo Bonucci kaasoo 42 milyan oo euro kula biiray kooxda Rossonerri.

Xiddigan isu waydaartey labadan camaaliqo ee ku xafiiltama Talyaaniga ayaa noqonaya xiddiggii ugu dambeeyay laacibiin gacan muggeed ah oo isu maray dhamaanba 3-da kooxood ee ugu waawayn Talyaaniga; Milan, Inter iyo Juventus.

Haddaba, ka bogo laacibiinta 11-ka ah ee isu wada maray 3-dan kooxood.

Leonardo Bonucci: Inter: 2005/2007 Juventus 2010/2017 Milan 2017

B1

Andrea Pirlo: Inter: 1998/1999 e 2000/01 Milan: 2001-2011 Juventus: 2011-2015

b11

Zlatan Ibrahimovic: Juventus: 2004-2006; Inter: 2006-2009; Milan: 2010-2012

B3

Patrick Vieira: Milan: 1995/96 Juventus: 2005/6 Inter: 2006/2010

B4

Edgar Davids: Milan: 1996/97; Juventus: 1997-2004; Inter: 2004/05

B6

Roberto Baggio: Juventus: 1990-1995 Milan: 1995-1997 Inter: 1998-2000

B7

Christian Vieri: Juventus: 1996/97 Inter: 1999-2005 Milan: 2005/06

B5

Aldo Serena: Inter: 1978/79, 1981/82, 1983/84, e 1987-1991 Milan: 1982/83 e 1991-1993 Juventus: 1985-1987

Foto LaPresse Torino/Archivio storico archivio storico sport 1985 Michel Platini nella foto: Michel Platini e Aldo Serena Busta N. 3369 Photo LaPresse Torino/Archivio storico sport 1985 Michel Platini in the photo: Michel Platini and Aldo Serena

 

Enrico Candiani: Inter: 1938-1946 Juventus: 1946/47 Milan: 1949/50

B0

Luigi Cevenini: Milan: 1911/12 e 1915-1919 Inter: 1912-1915, 1919-1921 e 1922-1927 Juventus: 1927-1930

B10

Giuseppe Meazza: Inter: 1927/28 e 1946/47 Milan: 1940-1942 Juventus: 1942/43

B12

B

Gool FM

Lacagta Neymar imisa laacib ayay gooysaa marka la eego sicirradii beri rikoodh jebiska ahaa???!!

$
0
0

(Roma) 03 Agoosto 2017 – Tan iyo 1982-kii, naadiyada Talyaaniga oo ahaa kuwa tillaabada u dhiga ciyaaraha caalamka waxay rikoodhka suuqa kala iibsiga jebiyeen 9 jeer, balse marna uma dhowayn qiimaha haatan lagu doonayo Neymar.

Laacibkan reer Brazil ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain oo Barcelona uga doonaysa €222m oo euro, taasoo dabcan 2 jeer ka badan rikoodhka haatan yaalla.

17 sano ayaa haatan laga joogaa markii ugu dambaysay ee ay Serie A jebiyaan rikoodhka dunida, balse intii u dhacaysay 1984 iyo 2000 waxay kooxaha Talyaanigu rikoodhka jebiyeen 9 jeer.

Haddaba hoos ka eeg inta laacib oo berigaa lagu heli karey lacagta haatan laga bixinayo Neymar oo qura?

1984: Diego Maradona – Napoli ka yimi Barcelona [€6.9m]

Diego Armando Maradona 2 jeer ayuu rikoodhka jebiyay, koowdii wuxuu kasoo tegey Boca Juniors oo uu ka aadey Barcelona kaddibna wuxuu usii dhaafay Napoli.

Neymar wuxuu gooyaa 13 Maradona:

1987: Ruud Gullit – PSV to Milan [€7.3m]

Gullit waxaa AC Milan keenay Silvio Berlusconi oo markaa kooxda iibsadey, isagoo jebiyay rikoodhkii hore, wuxuuna kaddib bilow dhib badan uu Gullit halyeey u noqday kooxda Rossoneri isagoo la qaaday 3 Scudetti iyo 2 European Cup.

Neymar wuxuu gooyaa 13 Gullit:

1990: Roberto Baggio – Fiorentina to Juventus [€8.3m]

Baggio markii uu kasoo tegayay Florence waxaa qaaquullo ka dhacday jidadka magaalada tiiyoo ay lacag rikoodh ah laacibka ku iibiyeen.

Il Divin Codino wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 115 gool, 200 kulan oo uu u saftay Juve, isagoo la hantay UEFA Cup sanaddii 1993-kii iyo Serie A sanaddii 1995-kii.

Neymar wuxuu gooyaa 12 Baggio:

1992: Jean-Pierre Papin – Marseille to Milan [€12.5m]

Neymar wuxuu gooyaa 10 Papin:

1992: Gianluca Vialla – Sampdoria to Juventus [€13.4m]

Neymar wuxuu gooyaa Vialli:

1992: Gianluigi Lentini – Torino to Milan [€14.1m]

Neymar wuxuu gooyaa 8 Lentini:

1997: Ronaldo – Barcelona to Inter [€24.7m]

Neymar wuxuu gooyaa 6 Ronaldo:

1999: Christian Vieri – Lazio to Inter [€49m]

Neymar wuxuu gooyaa 4 Vieri:

2000: Hernan Crespo – Parma to Lazio [€55m]

Neymar wuxuu gooyaa 3 Crespo:

b

Gool FM


UEFA oo soo saartay kooxaha abid ugu fiicnaa qaaradda Yurub!!

$
0
0


(Nyon) 15 Jan 2018
Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saartay naadiyadii Yurub ugu fiicnaa taariikhda, kuwaasoo ay ka dhex muuqdaan kooxaha waawayn ee qaaradda sida Real Madrid, AC Milan iyo qaar kale.

Kooxaha la qiimeeyay waxaa ka mid ah Galacticos-kii Real Madrid, Il Grande Milan-tii beri Yurub qabsatay ee Arigo Sacchi, Inter-tii Herrera, Barcelona-dii Pep Guardiola, balse waxaan il la saarin Juventus iyo kooxo kale oo liiska ka maqan.

Hoos ka eeg liiska

Real Madrid 1956-60
Benfica 1960-62
Inter 1962-67
Ajax 1971-73
Bayern 1973-76
Milan 1988-90
Real Madrid 1998-2002
Barcelona 2008-12

Gool FM

Ka bogo kooxaha laacibiinta ugu badan 120 sano ku biirinayay xulka Talyaaniga (Arag liiska)

$
0
0

(Roma) 16 Maarso 2018 – Kooxda Juventus ayaa noqotay kooxda laacibiinta ugu badan ku leh xulka Talyaaniga, kuwaasoo gaaraya 140 laacib, marka dib loo eego 120 sano oo uu xulkaasi dhisnaa, waxaana kaalinta 2-aad ku jirta Inter Milan oo leh 104 laacib.

Xiriirka Talyaaniga ee FIGC ayaa shalay u dabbaal degey sanad-guuradiisii 120-aad ee kasoo wareegtey markii la aasaasay, kaasoo ah ururka uu hoos tago xulka Azzurri.

Italy ayaa muddadaa ku guulaysatey 4 koob adduun, halka Yurub dhankeeda ay qaadeen Euro 68, haddaba Tuttomercatoweb ayaa soo saaray liiska laacibiinta muddadaa usoo safatay xulka La Nazionale, waxaana hoggamainaysa Juventus 140, Inter 104, halka AC Milan ay tahay 100 buuxda.

LAACIBIINTA ITALY U SAFATAY IYO KOOXOHOODA:

Juventus 140
Inter – 104
Milan – 100
Roma – 76
Fiorentina – 71
Torino – 71
Bologna – 52
Sampdoria – 48
Lazio – 46
Genoa – 43

Gool FM

Ma ogtahay in Leo Messi uu Talyaani yahay?

$
0
0

(Barcelona) 22 Maarso 2018 – Waxaa jira wax layiraahdo dabarka ISKU XIRA Talyaaniga iyo Argentine tan iyo markii ay soo galooti fara badan oo Talyaani ihi ay degeen xeebaha dalkaasi Koonfurta Ameerika, waxaana la qiyaasaa in kala bar dadka dalkaasi Argentina ay asal ahaan kasoo jeedaan Talyaaniga – qiyaastii ilaa 25 milyan oo qof.

Hana yaabin, haddii lagu yiraahdo Lionel Messi wuxuu xaq u lahaa inuu u safto xulka Talyaaniga, waayo asal ahaan waa Talyaani – awoowgii hore ee Angelo Messi wuxuu ku dhashay Recanati, oo ka mid ah gobollada dhexe ee Talyaaniga.

Odaygaas ayaa 1893-kii caga dhigtay magaalada Rosario iyadoo ay wehlinaysay xaaskiisii Maria, intaa kaliya kuma harine, Leo xitaa dhanka hooyada waa ka Talyaani asal ahaan, taasoo keentay in la siiyo magaca buuxa ee Lionel Andrés Messi Cuccittini.

Taasi waxay ka dhigan tahay in La Pulga uu si buuxda xaq ugu lahaa inuu u safto Azzurri, balse wuxuu doortay xulka Albiceleste, taasoo rajada Talyaaniga kusoo reebtay haddii haddii uun.

Berritoole oo Jimce ah waxaa magaalada Manchester ku ballansan labada camaaliqo ee Talyaaniga iyo Argentina, iyadoo 4 ka mid ah xiddigaha xulka Jorge Sampaoli ay ka dheelaan Serie A, sida Diego Perotti, Lucas Biglia iyo Federico Fazio, kulligoodna waxay haystaan baasaboorro Talyaani ah.

Gool FM

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 13-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 28 Maajo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 17-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 1986-kii oo kooban.

1986 Waa markii 13-aad ee la qabtay koobka adduunyada waxaana lagu ciyaaray dalka Maxico intii u dhaxeesay 31 May ilaa 29 June 1986.

Tartanka xiligaa waxaa uu ahaa markii labaad oo ay 24-dal ay ka qeyb qaateen.

Xulalka qaarada Europe ayaa loo ogoleen inay marti galiyaan koobka adduunka markii labaad oo xiriir ah iyadoo xulka rasmiyan FIFA u dooratay marti galinta koobka uu ahaa dalka Colombia balse sababo dhaqaaqle awgeed ay u marti galin waayeen xiligaas Mexico ayaana loo xushay marti galiyayaasha cusub bishii  May 1983.

Waa koobkii adduunyada ee Sedaxaad oo ay  ku guuleestaan marti galintiisa dalalka ku hadla luqada Spain kadib Spain 1982, iyo  Argentina 1978.

Waxaa waqtigaa koobka adduunka ku guuleestay dalka Argentina waana markoodii labaad kadib hanashadoodii  1978. Kabtankii xulka Argentina xiligaas ee Diego Maradona oo 25-jir ahaa ayaa qeyb weyn ka qaatay guusha xulka iyo goolkii caanka ahaa  oo ay ugu magac dareen gacantii Alle “Hand of God, sidoo kaleetana waxaa loogu codeeyay goolkii qarniga “Goal of the Century, kaasoo u gooyeeyay dhowr ciyaaryahan kulankii Sideed dhamaad-ka  ay wajaheen England.

Waa labadii gool ee ugu cajiibsaneed shanta gool ee Maradona uu ka dhaliyay koobka adduunka waxaa uu sidoo kale abuuray  shan gool kale, Argentina ayaa finalka garaacday Galbeedkii Germany  ciyaar ku dhamaatay 3–2 taasoo ka dhacday caasimada Maxico ee  Mexico City gaar ahaan garoonka  Estadio Azteca.

Dhamaan taageerayaashi  ka qeyb galay koobka adduunka ayaa gaarayay 2,394,031, Cel celis ahaan kulankiina waxaa ka qeyb gashay 46,039. Canada, Denmark iyo Iraq ayaa markoodii ugu horeeyay ka qeyb galay koobka adduunka.

1986 Koobka Adduunka waa marakii ugu horeesay ee laga tabiyay Raadiyayaal islamarkaana laga dhageesanayay adduunka oo dhan.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA 1986-dii

Natiijada sawirka 1986 Fifa world cup

Natiijada sawirka 1986 Fifa world cup

Natiijada sawirka 1986 Fifa world cup

Natiijada sawirka 1986 Fifa world cup

Goolkii uu Gacanta kaga Dhaliyay Diego Maradona qaranka England

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Seddaxda Sawirr waxay ku muujinayaa siduu ugu soo gooyay Cayaartoyda England Maradona ka hor inta uusan ugu shubuc gool caajiba leh

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Gool FM.

Wax ka Baro Sida loogu Kala Guuleystay Koobka Adduunka 20-kii Jeer ee La Qabtay: WARBIXIN

$
0
0

( Russia ) 29 Maajo 2018. Koobka adduunka 2018 waxaa ka hartay kaliya maalmo, laakiin waxaan dib u eegi doonaa qaabkii loogu kala guuleystay tartanka caanka ah.

Markii u horeysay waxaa lasoo bilaabay sanadkii 1930-kii, waxaana la qabtaa afartii sanaba mar balse 12 sano ayuu hakad galay in la dheelo tartanka sababtoo ah waxaa socday dagaalkii labaad ee adduunka kasoo dhacay intii u dhaxeysay 1938 iyo 1950.

Xulka Germany waa dalka difaacanaya koobka loo tartamyo sanadkaan kadib markii ay 1-0 ku garaceen Argentina cayaar waqti dheeri ah lagu daray oo aheyd dhacdadii 20-aad ee lagu marti galiyay Brazil afar sano ka hor.

Laakiin shantii ku guuleyste ee u dambeysay koobka adduunka waxay ahaayeen shan dal oo kala duwan, iyadoo aysan jirin cid difaacatay koobka tan iyo Brazil 1962-dii.

Waxaa xaqiiq ah in tartanka koobka adduunka ay ku guuleysteen siddeed dalka Brazil ayaana ah dalka ugu hanashada badan koobka waana mid ka badan dal walba – iyagoo qaaday shan jeer.

Todobada dal kale ayaa tartanka waxay ugu kala guuleysteen Germany iyo Italy oo min afar jeer ah, Uruguay iyo Argentina oo min labo jeera – iyo min hal jeer oo ay koobka ku guuleysteen England, France, iyo Spain.

HADABA Baro Sida loogu kala Guuleystay koobka Adduunka 20-ka jeer ee la qabtay tan iyo markii la bilaabay 1930-kii.

DAAWO SAWIRRADA SIDA LOOGU KALA GUULEYSTAY KOOBKA ADDUUNKA

2014 GERMANY

2014: Germany

2010 SPAIN

2010: Spain

2006 ITALY

2006: Italy

2002 BRAZIL

2002: Brazil

1998 FRANCE

1998: France

1994 BRAZIL

1994: Brazil

1990 GERMANY, Balse watiga kala qeyb sana waxana qaaday Galbeedkii Jarmalka

1990: West Germany

1986 ARGENTINA

1986: Argentina

1982 ITALY

1982: Italy

1978 ARGENTINA

1978: Argentina

1974 GERMANY: Balse watiga kala qeyb sana waxana qaaday Galbeedkii Jarmalka

1974: West Germany

1970 BRAZIL

1970: Brazil

1966 ENGLAND

1966: England

1962 BRAZIL

1962: Brazil

1958 BRAZIL

1958: Brazil

1954 GERMANY: Balse watiga kala qeyb sana waxana qaaday Galbeedkii Jarmalka

1954: West Germany

1950 URUGUAY

1950: Uruguay

1938 ITALY 

1938: Italy

1934 ITALY

1934: Italy

1930 URUGUAY

1930: Uruguay

Gool FM.

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 14-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 31 Maajo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 14-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 1990-kii oo kooban.

1990 waa markii 14-aad ee la qabtay koobka adduunka waxaana la bilaabay 8 June ilaa  8 July sanadkii 1990 iyadoo lagu marti galiyay dalka Italy, waana markii labaad ay marti galiyaan tartanka kadib  Mexico oo dhacadii 1986 u aheyd marii labaad ay marti galiyaan koobka adduunka.

Waxaa tartanka matalay 116 wadan iyadoo kulamada isreeb-reebka ay bilaawdeen April 1988. Ugu dambeyna waxaa kasoo baxday 22 dal oo tartanka kula biirayay martiyaliyaasha Italy iyo difaacayaashii xiligaas ee Argentina.

Tartanka koobka adduunka waxaa waqtigaas qaaday dalkii la oran jiray galbeedka Germany, wuxuuna ahaa markii seddexaad oo ay hantaan cayaaraha adduunka. Iyadoo finalka 1-0 ku garaacay xulka Argentina cayaar ka dhacday garoonka Stadio Olimpico ee caasimada talyaaniga ee Rome,

Kulanka ayaa ahaa finaalkii ay markii labaad xariir ah isaga hor yimaadan labada dal sababtoo ah waxay hore ugu kulmeen finaalkii 1986 markasoo ay Argentina ku guuleystay koobka.

Italy ayaa ku dhameysatay kaalinta seddaxaad halka England ay galeen kaalinta afaraad, kadib labada xul oo rigoorayaal lagu reebay cayaarihii afar dhamaadka.

Wuxuu tartanka markaa ahaa waqtigii u dambeyay oo ay ka qeyb galaan jarmalkii qeybsanaa, iyadoo ugu dambeyn midoobay dhamaadka dagaalkii qaboobaa waxii xiligaas ka dambeyay ilaa hadda waxay tartanka ku matalaan kooxda kubadda cagta Germany “Germany Football Team,

Sidoo kale waxaa iyana markoodii u dambeyay koobka adduunka cayaaray dalalkii la oran jiray Midowgii Soviet, Czechoslovakia iyo Yugoslavia.

Costa Rica, Ireland iyo UAE made ayaa markoodii u horeysay cayaaray tartanka cayaaraha adduunka. Kubbada lagu dheelay koobka waxa ahayd Adidas Etrusco Unico.

koobka adduunka 1990 waa mid kamid tartamadii ugu daawashada badnaa waxaana goolasha la iska dhaliyay kulankiiba lagu qiyaasay 2.21 iyadoo sido kale la bixiyay 16 roose waxaana kamid ahaa roosihii ugu horeyay ee finalka koobka adduunka la bixiyay kasoo la siiyay cayaariyahankii Argentina  Pedro Monzon.

Waxaa markii u horeysay tartanka lagu arkay sharciga cayaar wanaaga “Fair Play” taaso kubbada la joojinayo markii ay wax yeelo soo gaarto cayaartoyda Inkastoo farsamada hadda ee kubbada dib loogu bilaabayo daafaca ay soo bilaabatay 1992,

Inkastoo la badalay sharciyada tartanka wixii ka dambeyay dhacdadii 1990-kii hadana laguma isticmaalina koobka adduunka ee sagaanshankii waxaa laga dhigay guusha 3 dhincood halka ay aheyd 2 dhibcood awal balse waxa la hirgaliyay tartankii cayaaraha ee 1998-tii.

Si kastaba, koobkii adduunka 1990-kii waa mid kamida kuwii ugu daawashada badnaa taariikhda, waxaa la qiyaasay inay daawadeen 26.69 Milyan oo aan gaar aheyn tartanka. Wuxuuna ahaa tartankii ugu horeyay ee la buubayay sido kalana lgu baahiyay HDTV gaar ahaan kanaalka talyaaniga ee RAI oo ay qeyb kala ahaayeen Japan NHK.

Xiligaas tartanka wuxuu ahaa midkii ugu daawashada badnaa taariikhda, laakiin waxaa ka daawasho badnaa dhacdooyinkii cayaaraha adduunka 1994 iyo  2002.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA 1990-kii

Natiijada sawirka World Cup 1990 winners

Natiijada sawirka World Cup 1990 winners

Natiijada sawirka World Cup 1990 winners

Natiijada sawirka World Cup 1990 winners

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka World Cup 1990 winners

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka World Cup 1990 West Germany and argentina

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka World Cup 1990 ball

Gool FM.

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 15-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 02 Juunyo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 12-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 1994-kii oo kooban.

1994 koobka adduunka waa markii 15-aad ee la qabtay waxaana lagu marti galiyay sagaal magaalo oo ku yaala cariga Mareykanka intii u dhaxeesay 17 June ilaa 17 July 1994, Mareykanka ayaa loo dooqday Marti galinta tartanka 4 July 1988.

Tartankaa waxaa uu ahaa kii ugu dhaqaalaha badnaa Taariikhda waxaana uu jabiyay rikoorka daawadayaashii ugu badnaa ee kulan daawataa waxaana ay ahaateen 69,000  oo taageerayaal ah kulankiiba waana weli rikoor taagan.

Wadar ahaan ku dhawaad 3.6 million oo taageerayaal ah ayaa daawaday guud ahaan tartanka Waana taariikhda kuwii ugu sareeyay.

Brazil ayaa ku guuleystay koobka kadib markii ay 3-2 Rigoorayaal ah ay kaga badiyeen Qaranka Italy kulan ka dhacay  Rose Bowl oo Magaalada Pasadena, Ee gobolka California oo ku dhow  Los Angeles, Kadib markii ciyaarta ay ku dhamaatay goolal la’aan 0-0 waqtiga caadiga ah iyo waqtiga dheerigaa, waxaana ay aheyd markii ugu horeesay ee Rigoorayaal lagu go’aamiyay Finalka Koobka Adduunka Brazil ayaana ah dalkii ugu horeeyay ee ku qaaday, waana markoodii 4-aad oo ay hantaan Dhacdada ciyaaraha adduunka.

Greece, Nigeria iyo Saudi Arabia ayaa markoodii ugu horeesay kasoo muuqday ciyaaraha aduunka.

Dalka Sanadkan Marti Galinaya Koobka Adduunka Ee Russia ayaa markii ugu horeesay Madaxbanaani ka qaatay Midowgii Soofiyeeti Waxaana ay usoo gudbeen koobka adduunyada iyaga oo ku matalaya Magaca Russia, Sidoo kale Waxaa markii ugu horeesay Magaca Midowga Germany Ku Matalay Galbeedkii iyo Bariga oo xiligaa wixii ka horeeyay kala qeybsanaa.

France ayaa xiligaas ku guul dareestay inuu matalo koobka aduunka markii labaad isaga oo hore u seegay 1990-kii waana markii u dambeesay walow ay si xiriir ah u dheelayen tan iyo 1998 ilaa sanadkan 2018.

Dhacdadan 1994 ayaa aheyd markii ugu dambeesay oo uu ciyaaray Halyeyga Reer Argentine Diego Maradona Kadib Markii Lagu Helay inuu isticmaalay Daroogo.

Natiijooyinkii xooganaa oo ay soo bandhigeen Xulalkii Africa koobkii adduunka ee 1990-kii, Qaarada Africa waxaa la siiyay seddax boos markii ugu horeesay  iyadoona ay u mataleen ciyaaraha Adduunka Nigeria Cameroon iyo  Morocco.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA 1994-tii

Sawirka la xidhiidha

 

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Waa Markii uu Qasaariyay Rigooradii u Dambeysay Qaranka Italy Roberto Baggio

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Waa Kulankii Finaalka Koobka Adduunka 1994 Brzil vs Italy

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Waa xulkii Nigeria u Matalay markii u Horeysay oo ay Koob adduun ka qeyb galaan xili sanadkan ay u cayaari doonaan mid lamida funaanad

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994 maradona Out

Waa Markii u dambeysay uu koobka adduunka cayaaray Diego Maradona kadib markii lagu helay isticmaala Drugs-ka

Natiijada sawirka Fifa world cup 1994

Gool FM.


Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 17-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 07 Juunyo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 7-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 2002-dii oo kooban.

2002 Koobka Adduunka Waa Markii 17-aad ee la qabtay waxaana la ciyaaray intii u dhaxeesay  31 May ilaa 30 June 2002 iyadoo si wadajir ah ay dhacdadan u marti galiyeen  South Korea iyo  Japan.

Kani waxaa uu ahaa koobkii adduun ee ugu horeeyay ee lagu ciyaaray Qaarada Asia. Dhacdooyinkii Ciyaaraha ee Ka horeeyay ayaa lagu marti galiyay qaaradaha Europe  iyo Americas.

Sidoo kale waa koobkii ugu horeeyay oo ay si wadajir ah u marti galiyaan wax ka badan Hal Dal. Ugu dambeyntii, Tani waxay ahayd dhacdadii ugu dambaysay ee lagu isticmaalo xeerka Golden Goal-ka.

Brazil ayaa ku guuleestay Tartanka ciyaaraha Adduunka Markii Shanaad, kadib guul 2-0 oo ay ka gaareen Xulka Germany.

Guushaas ayaa la micno aheyd in Brazil ay usoo baxday koobka Qaaradaha Aduunka ee FIFA Confederations Cup 2005 la qabtay waana markoodii shanaad oo ay ka qeyb galaan.

Kulankii kala baxa ee kaalinta sedaxaad ayaa waxaa wada ciyaaray  South Korea iyo  Turkey 3–2 waxaa ku badisay Turkey.

China, Ecuador, Senegal iyo Slovenia ayaa markoodii ugu horeesay Ciyaaray Koobka Adduunka.

Tartanka ayaa lahaa dhowr Natiijo oo Murugo iyo layaab leh Waxana kamid ahaa  Difaacayaashii Tartanka ee France oo ku haray heerka Group-yada  kadib markii ay heleen kaliya hal dhibic waxaana xusid mudan in hal gool aysan ka dhalinin ciyaarahaas iyaga oo watay weeraryahanadii ugu fiicnaa qaarada yurub waxeyna kala ahaayeen Thierry Henry, David Trezeguet, iyo  Djibril Cissé balse nasiib daro waxaa ka dhaawacnaa geesigoodii Zidane.

Sidoo kale waxaa group-ka ku haray mid kamid ah xulalkii loo saadaalinayay Tartanka waana dalka Argentina.

Intaa Waxaa Dheeri ah, dalka Turkey ayaa tartanka ka galay kaalinta Sedaxaad halka South Korea oo kamid ahaa labadii dal ee tartanka marti galinayay ay gaareen wareega Afar Dhamaadka kadib markii ay wacdaro ku dhigeen xulalka  Spain, Italy iyo Portugal kuwaas oo ay ku reebeen heerarkii kala duwanaa oo ay ku kulmeen.

Yeelkeed, Waxaa ka qeyb galay Tartanka xulalkii ugu awooda badnaa adduunka, Brazil, oo ku guuleestay Koobka ayaa noqday dalkii ugu horeeyay taariikhda ee Shan jeer hanta Ciyaaaraha Adduunka iyaga oo adkaaday dhamaan kulamadoodii Tartanka.

Waxay aheyd markii u horeysay oo koobka adduunka la shariceyay in xul walba uu soo xusho 23 caayriyahan oo ay 3 kamida tahay goolhaye.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA 2002.

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 winners

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 winners

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 winners

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 final

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 final

Natiijada sawirka fifa world cup 2002 final

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Brazil team in final 2002

Natiijada sawirka world cup ball2002

Kubbaddii lagu cayaaray koobkii adduunka 2002

Gool FM.

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 18-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 09 Juunyo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 5-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 2006-dii oo kooban.

Sanadkii 2006 waa markii 18-aad ee la ciyaaray koobka adduunka waxaana lagu marti galiyaya dalka germany intii u dhaxeesay 9 June ilaa 9 July 2006, kaas oo ay ku guuleesteen marti galintiisa bishii July 2000.

Xulalka matalay tartanka waxaa ay ahaayeen  198 dal waxaana kulamadii isreebreebka ee loogu soo gudbayay tartanka ay bilowdeen bishii  September 2003.

31-dal ayaa usoo baxday kama dambeys koobka oo lagu daray marti galiyayaasha Germany waxaa ay aheyd markii labaad oo ay marti galiyaan koobka adduunka Tan iyo xiligii ay kala qeyb sanaayeen 1974-tii markaa oo ay bariga iyo galbeedkuba ay marti galiyeen Sidoo kale waxaa uu ahaa tartanka markii 10-aad ee lagu qabtay qaarada Yurub.

Xulka Italy ayaa koobka ku guuleestay taasoo u aheyd markii 4-aad oo ay qaadaan koobka adduunka iyagoo rigoorayaal 5-3 ah Finalka kaga badiyay xulka France kadib ciyaar waqti dheeri ah lagu daray oo ku dhamaatay 1-1 waqtigii loogu talagalay.

Germany oo koobka marti galinayay ayaa ku dhameestay booska 3-aad markii ay kulankii kaalinta seddaxaad ay garaaceen xulka Portugal ciyaar ku dhamaatay 3–1.

Angola, Ghana, Ivory Coast, Trinidad and Tobago, iyo  Togo ayaa markoodii ugu horeesay koobka adduunka ciyaaray sidoo kale waxaa markoodii ugu horeesay ciyaaray  Serbia and Montenegro kuwaa oo ahaa Yugoslavia cayaarihii 1998.

Koobki adduun ee  2006 waxaa uu ahaa kii ugu daawashada badnaa xitaa Talefashinada waxaana daawatay qiyaastii 26.29 billion oo ah daawadayaal aan xadidneed iyadaoo kulankii Finalkii ay daawadeen taageerayaal lagu qiyaasay 715.1 million oo ruux.

Koobdii adduunka ee  2006 waxaa uu ahaa kii Afaraad ee ugu daawashada badnaa kadib dhacdooyinkii 1994, 2002, iyo  1990.

Guuleestayaasha tartanka ee Italy ayaa matalay 2009 koobkii qaaradaha Aduunka.

Ronaldo ayaa cayaaray markii u Dambeysay koobka adduunka isagoona noqday laacibkii ugu goolasha badnaa taariikhda tartanka wuxuuna dhaliyay 15.

Sido kale waxaa  isna markiisii u dambeysay  tartanka cayaaraha adduunka dheelay  Zinedine Zidane inkastoo finalka uu qaatay Roose markii uu herti la dhigay daaficii Italy Marco Materazzi.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA SANADKII 2006.

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 winners

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 winners

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 winners

Sawirka la xidhiidha

Waa Rigooradii u Dambeysay uu Guusha ku siisay Italy Daafacoodii Bixid ee Fabio Grosso.

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Markii uu Zidane Hertiyay Marco Materazzi

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 winners

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

 

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 Ronaldo

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa World Cup 2006 ball

Gool FM.

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA 19-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 11 Juunyo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 3-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 2010-kii oo kooban.

2010 koobka adduunka  waa markii 19-aad ee la qabtay waxaana lagu marti galiyay qaarada Africa gaar ahaan Koonfur Africa Markii ugu horeesay iyadoo uu bilowday Tartanka 11 June ilaa  11 July 2010.

Habka Soo xulitaanka Marti galinta koobka waxaa ay aheyd kaliya mid u furan qaarada Africa. Sanadkii  2004, xiriirka kubbadda cagta FIFA, ayaa u doortay koonfur Africa  Iyaga oo tartan la galay dalalka Egypt iyo Morocco waxaana ay noqdeen dalkii ugu horeeyay qaarada Africa ee marti galiyay Dhacadada Kubadda Cagta Adduunka ee World Cup.

Kulamada ayaa lagu ciyaaray 10-garoon oo ku yaala 9 magaalo waxaana lagu furay tartanka garoonka Soccer City stadium oo ku yaala magaalada weyn ee  Johannesburg.

Bishii August 2007 waxaa bilowday kulamada loogu soo baxaayay koobka adduunka iyadoo ugu dambeyn ay kasoo gudbeen 31- xul oo ay kula biirayaan marti galiyayaasha.

Ugu dambeyn, Spain, oo aheyd horyaalkii qaarada Europe, ayaa ku guuleesatay tartanka markii ay garaaceen Netherlands  kuwaa oo xiligaa guul dareestay Finalkii 3-aad oo ay yimaadaan Ciyaaraha adduunka waxaana goolka qura ee ciyaarta dhaliyay  Andrés Iniesta waqtigii dheeriga Spain ayaana markii ugu horeesay qaaday koobka aduunka xiligaas.

Spain ayaa noqotay dalkii sideedaad ee hantay koobka adduunka iyo dalkii ugu horeeyay ee Yurub ah ee koobka ku qaaday meel ka baxsan qaaradooda, dhamaan koobabkii aduunyada ee ka horeeyay xiligaas ee aan lagu marti galin qaarada yurub waxaa ku guuleesanayay xulalka koonfur America.
Guusha ay tartanka ka gaareen Spain ayaa ka dhigneed inay matalayaan koobka qaaradaha Adduunka 2013-kii ee FIFA Confederations Cup.

Marti galiyayaasha tartanka ee South Africa,  Horyaalkii adduunka 2006 ee Italy iyo xulkii kaalinta labaad isla sanadkaas galay ee France ayaa dhamaantood ku haray heerka Group-ka.

Waxaa ay aheyd markii ugu horeesay ee marti galiyayaasha koobka adduunka ay  ku haraan heerka Group-ka.

New Zealand, oo seddax bar bar dhac ah gashay tartanka  ayaa ahaa xulka  kaliya ee aan guul dareesan balse tartanka ku haray heerkiisa group-ka.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA SANADKII 2010.

Natiijada sawirka Fifa world Cup 2010

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world Cup 2010

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world Cup 2010 winners

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Spain Celebration of world cup 2010

Gool FM.

 

Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTII u DAMBEYSAY ee 20-AAD)+SAWIRRO

$
0
0

( World Cup ) 13 Juunyo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan maalin qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

Maanta waxaan idin soo gudbineynaa Taariikhdii u dambeysay ee cayaaraha adduunka waana qeybta 20-aad ee la gabtay sanadkii 2014-kii.

2014 FIFA World Cup waa markii 20-aad  ee la ciyaaray tartanka ciyaaraha adduunka waxaana lagu marti galiyay dalka Brazil waxaana uu bilowday  12 June ilaa 13 July 2014, kadib markii lagu abaal mariyay marti galinta FIFa 2007.  Waana markoodii labaad oo ay marti galiyaan koobka adduunka tan iyo  1950, waxayna aheyd markii 5-aad oo ciyaaraha adduunka lagu marti galiyo koonfur America.

31- dal ee tartanka usoo gudbay ayaa kula biiray martigaliyayaasha Tartanka iyadoo Bosnia and Herzegovina ee ahayd dalka qura ee markii ugu horeesay koobka aduunka ciyaaray .

Dhamaan tartanka waxaa la dheelay 64- kulan oo lagu ciyaaray 12- garoon oo ku yaala Magaalooyinka Brazil.

Waxay aheyd markii ugu horeesay oo koobka aduunka Garsoorayaashiisa ay isticmaalaan Aadalaha Farsamada Goolka ama goal-line technology, iyo sidoo kaleeto agabka buufinta ee lagu xariiqo halka laga tuurayo kubadaha laadadka xorta ah.

Dhamaan waxaa tartaanka ciyaaray dadalkii ku guuleestay koobka aduunka tan iyo markii lasoo bilaabay tan iyo 1930 – oo kala ah  Argentina, Brazil, England, France, Germany, Italy, Spain iyo Uruguay.

Spain, oo difaacanayay koobka ayaa ku haray jeerka Group-ka  iyadoo dhinaca kalena ay Group-ka ay ku hareen England and Italy.

Uruguay ayaa iyaguna ku haray wareega 16-ka halka france ay ku hareen wareega 8-da.

Xulka Marti galiynayay koobka ee Brazil, kuwaa oo ku guuleestay  2013 koobka qaaradaha adduunka ee FIFA Confederations Cup, ayaa guul daro culus kala kulmay Germany  markii looga badiyay 7–1 ciyaartii  semi-finals ka ay isaga hor yimaaden waxaana ay tartanka ka galeen kaalinta afaraad.

Ugu dambeyn, Germany ayaa garaacday  finalka Argentina  kulan ku dhamaaday 1–0 waqtigii dheeriga waana markoodii afaraad ee ku guuleestaan  koobka adduunka iyo markii ugu horeesay ee Germnay-gii midoobay ay qaadaan tartanka tan iyo 1990, Waxaana ka war qabnaa in Garbeedkii Germany ay sidoo kale garaaceen  Argentina finalkii u dambeeyay ee isla sanadkaas.

Germany wuxuu noqday dalkii ugu horeeyay ee koobka adduunka ku qaaday Qaarada America, Waxeyna natiijadaas ka dhigtay markii ugu horeesay wadamo isku qaarad ah inay ku guuleestaan seddax dhacdo xariir ah koobka aaduunka kadib Italy  2006 Spain 2010 iyo Germany 2014.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKII ADDUUNKA SANADKII 2014.

Natiijada sawirka Fifa world cup winners

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world cup winners

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Messi oo ku guuleystay cayaariyahanka ugu fiicnaa tartanka

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Natiijada sawirka Fifa world cup 2014 final

Gool FM.

Wax ka Ogaaw Taariikh Kooban oo Ku saabsan Xirfada Cayaareed ee Goolhaye Petr Cech kaddib markii uu Shalay ka dhawaajiyay inuu ka fariisanayo Kubbada Cagta

$
0
0

( London ) 16 Jan 2019. Goolhayaha kooxda Arsenal Petr Cech ayaa ku dhaqaaqay inuu ka fariisanayo kubbada cagta marka uu dhammaado kal cayaareedkan kaddid mudda 20-sanaa uu ahaa xirfadle dhanka goolka ah.

Hadaba wax kabaro taariikh kooban oo ku saaban nolasha cayaareed ee Cech iyo guulaha uu la gaaray kooxaha uu saamaray iyo xulkiisa qaranka Czech Republic

Petr Čech ayaa dhashay 20-kii May 1982-dii waa xirfadle kubbada cagta u dhashay Czech kasoo goolka uga cayaara kooxda Premier League ee Arsenal.

Wuxuu ku u dhashay Plzeň, Čech ayaana xirfadiisa kubbada cagta kasoo bilaabay Chmel Blšany 1999-kii, halkaa uu si aan caadi aheyn ugu cayaaray laba sano ka hor inta uusan u guurin kooxda ugu awooda badan horyaalkaa ee Sparta Prague 2001.

Markii da’diisu aheyd 19-sano, Čech ayaa helay booska joogtada, isagoo hal xagaa sameeyay waxqabad aad u wanaagsan, wuxuu diiwaan galiyay rikoodhka aan gool laga dhalin horyaalka 903-daqiiqo. Taasna waxay ka dhigay inuu u cayaaro kooxaha dibbada, markaa oo uu u dhaqaaqay kooxda horyaalka France Rennes qiimo dhan €5.5 million euro oo u dhiganta (£3.9 million oo gini ) sanadkii 2002.

Natiijada sawirka Petr Čech- trophy winners

Waqtigisii France, Čech ayaa ku bilaawday hanaan cayaareed fiican taasoo si dhaqso ah kaga dhigtay inuu ku biiro naadiga horyaalka Premier League ee Chelsea qiimo gaaraya £7 million gini oo u dhiganta (€9.8 million euro) 2004-tii, kasoo noqday heshiiskii ugu qaalisanaa oo ay kula soo saxiixdaan goolhaye.

Inta lagu guda jiray 11-sano uu kooxda galbeedka London kamid ahaa, Čech ayaa u saftay 486 kulan, wuxuuna kamida noqday xiddiga kooxda ugu safashada badan isagoo kaalinta lixaad kasoo galay. Sido kale wuxuu kooxda ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka Premier League afar jeer, afar mar FA Cup, seddax mar League Cup, mar koobka UEFA Europa League, iyo hal mar oo koobka UEFA Champions League.

Sido kale wuxuu heystaa rikoodha ugu badan ee shabaq ilaalinta wuxuuna gool ka ilaaliyay shabaqiisa 220-kulan.

Čech ayaa 2015-kii ka tagay Chelsea wuxuuna ku biiray kooxda ay coltamaan ee Arsenal qiimo gaaraya £10 million gini, wuxuu halkaa ku qaaday FA Cup iyo laba mar oo koobka FA Community Shields.

Natiijada sawirka Petr Čech- trophy winners

Xirfadiisa heerka caalami, Čech ayaa markii u horreysay u saftay qaranka Czech Republic sanadkii 2002, waana ninka ugu safashada badan taariikhda xulka qaranka Czech uu u cayaaray 124-dheel. Sido kale wuxuu xulkiisa matalay 2006 koobkii adduunka, si lamida 2004, 2008, 2012, iyo 2016 uu xulka u matalay kooxda qaramada qaarada yurub.

Wuxuu kamid noqday kooxdii ugu fiicneed ee koobka qaramada yurub Euro 2004-tii ee All-Star team kaddib markii uu qarankiisa ka caawiyay iney tartanka ka garaan wareega afar dhammaadka, isagoo sido kale noqday kabtan xulka, wuxuuna cayaaraha heerka caalami ka fariistay 2016-kii. Čech ayaa sido kale heysta rikoodhka ugu badan ee abaalmarinta laacibka sanadka Czech Footballer iyo Czech Golden Ball wins.

Waa mid kamida goolhayahaashii ugu wanaagsanaa kubbada cagta, Čech ayaa heysta rikoodha dhanka gool ilaalinta ah, waxaana kamida safashada ugu yar ee Premier League uu ku sameeyay 100-kulan oo shabaqa aan laga taaban ama aan gool laga dhalin, wuxuuna rikoohkaa ku sameeyay 180-kulan, wuxuu sido kale heysaa tirade ugu badan ee shabaqa uu ilaashaday hal xagaa horyaalka waana (24-jeer), si lamida waa goolhaya taariikhda Premier League gool ilaashaday (202-kullan).

Natiijada sawirka Petr Čech- Premier League best goolkeeper awards

Čech waa goolwalaha qura ee horyaalka Premier League ku guuleystay abaalmarinta Gacmaha goolhayaha laba koox oo kala duwan, wuxuuna ku guuleystay afar jeer oo kala ah 2004–05, 2009–10, 2013–14 iyo 2015–16.

Sido kale wuxuu noqday IFFHS World’s Best Goalkeeper in 2005, isagoo helay abaalmarinta goolhayaha ugu wanaagsan horyaalka  2004–05, 2006–07 iyo 2007–08 oo ay usii dheer tahay goolhayaha ugu wanaagsan UEFA Champions League, isagoo aan gool laga dhalin 1,025-daqiiqo 2004–05, rikoodhkaa oo sido kale uu ka dhigay Premier League.

Gool FM.

Viewing all 137 articles
Browse latest View live