Quantcast
Channel: Taariikhda – Gool FM
Viewing all 137 articles
Browse latest View live

Qeybta saddexaad ee ugu dambeysay taariikhda ciyaaryahan bile madbaco

$
0
0

unnamed

14 Bile Madbaco ‘ Dal aan Dalkaagu  aheyn Waa Dareen ku joog’ horaa loo yiri

(Muqdisho) 03 Jan 2016.inta aynan guda galin Qeybta 3 ee ugu dambeysa wareysiga Ciyaaryahan Bile madbaco aan idin xasuusiyee Bile waxa uu nooga waramay Ciyaartiisii ugu wanaagsaneyd iyo tii ugu xumeyd mudadii uu ka tirsanaa Naadiga heerka 1 e Madbacada ,waxaana uu ku horeynayaa Ciyaartiisii ugu Fiicneyd.

Runti mudadii an u ciyaarayey kooxdeydii  Madbacada cayaarti igu wanaagsaneyd ee i soo  marta mudadaas waxa ay aheyd cayaar aan la ciyareyney kooxda Bada Cayaartaas oo aheyd cayaar aan kulaney kooxda Badda  anagoo hogaamineyno horyaalka, gabagabana u ahaa balse kooxdas Bada ay isku dayeysey iney Barbardhac nala gasho ama aynaga badiso,si kooxdiJjeenyo oo markaas kaalinta labaad ku jirta ay nooga qaado horyaalka Cayaarta  xigtana aanu la ciyaareyney

Nasib Wanaag 2-0 baan ku suuldaarnay Badda ,waxaana goolka 1 dhaliyay aniga Goolkaasoo ahaa  free kick ama bolosione, waxa uuna noqday noqdey goolki igu quruxda badnaa  oo meel aad u dheer aan ka soo laado,guushasna ay inoo noqotay mid aan ku xajisanay Horyaalka Mooralkii Naadigana aad u kiciyay

dhinaca kale Cayaarti igu xumeyd ee Taariikhdeyda isboorti ee isoo martai  waxey aheyd cayaarti finalka koobki janaral da,uud ee 1985 ay kooxdi batrolka  ay nooga badiye 1-2  taaso aan ila iyo qeybti dambe gaba gabadeedii  aanu ku hogamineyney 1-0,balse daqiiqadihi ugu dambeyey ee cayaarta ay naga dhaliyen 2 gool,

kooxda madbacada markaan galeyey heerka koowad  waxaa lambarka  10 ka ciyaarayey sxbkey Muriidi,anigana waxaa la iga ciyaar siin jiray lambarada 7 iyo 11 balse markii uu yimid macalinka Reer Ugandha DAVED OTTI uu aniga ii soo so celiyey nambarla 10aad ee qadka dhexe,tasoo aan  labo horyaal oo xiriir ah aan u ku qaadney,hadana cayartoydeenii madbacada markad eegto waxaanba aheyn cayaartooy boosas badan ka ciyaari karo oo jocker ah

Maxamuud Cali Cumar’Bile Madbaco’ ka dib Markii Burburkii Soomaaliya  ka dhacay waxa uu u baqoolay Dibada, hadaba qeybtaan ugu dambeysa ee 3 ee Taariikhada Weeraryahankii  Madbacada Bile waxaan diirada ku saareynaa sameyntiisi qurbaha.

Maxamuud Cali Cumar’Bile Madbaco’ ka dib Markii Burburkii Soomaaliya  ka dhacay waxa uu u baqoolay Dibada, hadaba qeybtaan ugu dambeysa ee 3 ee Taariikhada Weeraryahankii  Madbacada Bile waxaan diirada ku saareynaa sameyntiisi qurbaha.

1s Bile madbaco Goormaa kuugu dambeysay Soomaaliya oo aad ka tagtay

1j.Runti aniga bile ahaan waxaan somaliya ka soo tagey xiligii dawladii hore ay burburtey ee dagaaladu ay dhaceen,balse kahor intaanu burburki dhicin ayaan isku dayey inaan wadanka isaga baxo,anigo heysto fiiso aan aadi lahaa Wadanka Romania  balse waxaa dhacdey intaan sugayey bixitankeygii inuu igu kor dhaco burburki dagaalka,halkaasna uu fisihii iyo tigidkiiba  ay iga baaba,een,alxamdulillah,mudo gaaban gudaheedna aan mar labaad isaga soo baxey,soona aadey ETHIOPIA maadaama wadanka xiligaas wax safarad ah oo shaqeyneysa aysan jirin,isla markaana ay i suurto gashey inaan halkas ka sii aado yurub

2s Inta badan Ciyaaryahanadii Soomaaliya ee u baqoolay dibada waxa ay xooga sareen abaabulida Ciyaaraha Jaaliyadaha Soomaalida hadaba ka waran arintaasi door intee le eg ayaad ka geysatay

2j.markan yurub soogarey waxan hawlihi sportiga ka si bilabey wadanka jarmalka oo an degenay,mudo 4sano ah,kadibna waxan u si waregey wadanka [united kingdom] LONDON,1997,isla markana waxaan macalin u noqdey dhalinyaro somaliyed oo halkas an ka ababuley kana qeyb galney cayaro lagu magacabo [INTER CITY]oo ay ka qeyb galan dhaman jaliyadaha adunka,kaso semi finali nagu reben wadanka [EGUADOR]waxa kale

oo jirta inan ka qeyb galnay cayaro ka dhaca wadanka SWEDEN sanad kasta xiliga kuleylaha kaso an ka qeyb galney sanadki 1999 oo aha marki ugu horeysey oo la qabto cayarahas,anaga ayana ku guleysaney koobkas

ilaa iyo hadana majirto cayaarahaas sanad aan aniga bile ah aan ka baqdey,tasoo  ku tusineyso inuu dhigeyguba uu ku shaqeyo sportiga,waxaa kaloo xusid mudan inaan cayaaro dibadaha ah aan u aadnay wadamada CANADA,JABUTI,GAMBIA, SWEDEN, imaaraadka,KUWAIT,IYO TUNIZIA, tasoo aanu iloobi karin in dhalinyarada aanu intaas macalimin  u aheyn aniga iyo allah u naxaristee Dahir Cismaan Faarax[Dahir gacmey]o u ciyaari jirey kooxdi ex munishibiyo,hadana waxaan gudoomiyaha gudiga farsamada aan ka ahay cayaaro ay qabtan dhalinyaro somali ah oo xiliga xagaga ka dhaca SWEDEN,STOKHLOM,ururkas oo lagu magacabo [SEUKI]

3s. sidee ua aragtaa isboortigii barisamaadka iyo kan hada ee rubic qarnigii la soo dhaafay maxaadna  ku biiriineysaa talo ahaan in kor loo qaado

3j.Runti isboortigii Berisamaadkii iyo kan Maanta farqi weyn ayaa u dhexeeya, kaasoo ah xiliyadi hore waxa jirey in qofku uu ka soo  bilaabo cayaarta Heer xafadeed,kadibna u gudbo heer junior,ama cayaar goboled,ila heerka koowad,Kadibna u gaaro in loo magacabo heer qaran,balse maanta waxaan aragnaa in qarkood ay iyagoo heerkaasi aysan marin ay si fudud ay ku xirtan funaanada Qaranka,talo ahaan waxaan u jeedin lahaa in xiriiradeena sportiga ay ku dadaalan

sidey u horumarin lahayeen sportiga,wadankeena,si an ula higsano Adunweynaha

4s.ma jiraan xiriir ka dhaxeeya Ciyaartoyada qurbaha ku nool

4j.dhanka  qurbaha cayartoydeenii hore ee berisamaadkii runti aad ayaan isaga war qabnaa waana isku tagnaa xiliyada fasaxa,anagoo ku dadaaleyno sidii aanu u horumarin laheyn sportiga somaliyeed,weliba waxaan marar badan aanuiksu daynay   sidi i aanu wax ugu qaban laheyn cayartoydeeni hore ee berisamaadkii  ee ku sugan wadanka,intii karankeena ah oo aan tari karnana waan tarnaa.

5s.Maxaa kuugu yaab badnaa intii aad joogtay qurbaha Mr Bile Cali

5j. kkkkk  saaxiiboow uurdoox Runti mudadii aan qurbaha joogey wey jiraan waxyaabo badan oo aan aad ula yaabey balse halkaan kuma soo kobi karo waxaase jirta in hore loo yiri Dal aan dalkaagu aheyn waa Dareen ku joog.

6s.ugu Dambeyntii maxaad u soo jeedineysaa  bahda isboortiga iyo Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

6j.Runti bahda sportiga waxaan u soo jedinayaa meel kasta aanu joogno waa inaan u soo jeesanaa sidi aanu wadankeena horumarkiisa sporti  aanu u horumarin laheyn,anaga ayaana la rabaa inaan wax u qabano wadankeena siiba  dadkeena  qurbaha jooga sportiguna waa midka kalya ee maanta somali isku keeni karo,allahna naga dhigo kuwa caqligoodu israaco.

Bile Cali waa xaas leh caruur waxa uu degan yahay Magaalada London ee cariga Ingiriiska

DHAMAAD.

Waxaa wareystay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2013@gmail.com

Gool FM


Kulankii qaranka oo bar baro ku dhamaaday

$
0
0

kkk (5)

(Muqdisho) 5 Jan 2016-Kooxaha Heegan iyo Horseed ayaa ku kala tagay bar baro 2-2,ciyaartii ka tirsaneyd horyaaalka Soomaaliya oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar si weyn loogu riyaaqo iyadoo garoonka ay u soo daawasho tageen dad fara badan.

Kooxda Heegan ayaa la hormartay goolka waxaana u dhaliyay xiddiga Chebuse isagoo ka dhigay 1-0.

Daqiiqad yar kadiib Horseed ayaa la timid labo gool deg deg ah waxaana is raacsaday xiddiga Nuur Xasan shiikheey waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hor kaceyso Horseed.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Heegan waxa ay iska qasaarisay fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay.

Ciyaarta oo gabo gabo ku dhaw waxaa goolka bar baraha u keenay Heegan daafacooda dhexe Cabdi Kariim Boqori iyadoo ugu dambeyn kulanka uu kuso dhamaaday 2-2.

Horseed ayaa leh labo dhibcood,halka Heegan ay wadato hal dhibic waxaana horyaalka Afar dhibcood ku horkaceysa naadiga Dekedda.

Gool FM

Cabdiqani Siciid Carab oo gaaray Abuja, Nigeria iyo somaliya oo ay guul u soo hooyan karto galabta+SAWIRO

$
0
0

CYD2P4NWkAU1CSl

(Muqdisho) 07 Jan 2016. Waxaa magaalada Abuja ee xarunta dalka Nigeria ku sii qul qulaya madaxda kubadda cagta Africa, ciyaaryahahada Africa kuwooda ugu wanaagsan iyo marti sharaf si ay uga qeyb qaataan xaflada weyn ee lagu bixin doono abaal-marino badan oo kala cayn ah.

Jaa’isooyinka la bixin doono waxaa ka mida Laacibka Africa ee sanad (African Player of the Year) mida u dhiganta ee hablaha (African Woman Player of the Year), xulkii ugu wacnaa Africa (National Team of the year), da’yarka soo koraya ee ugu balan qaadka badan (Most Promising Talent), Tababaraha sanadka (Coach of the Year) iyo abaal-marinta aynu ku guuleysan karno ee ah hogaamiyaha sanadka (Leader of the Year).

asdzcadsfc

Waxaa musharixiinta hogaamiyaha sanadka ku jira Madaxweynaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Siciid Carab.

Hadii uu Cabdiqani abaal-marintaas helo, xaqiiqdii waxa ay ahaan doonta guul weyn oo u soo hooyatay umada soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in dhowaan loo doortay madaxweyne ku xigeenka CECAFA.

Guulaha uu ku talaabsanayo Cabdiqani Siciid Carab waxa ay muujineysa sida Soomalida looga qiimeeyo qaarada Africa iyo in door keenii uu soo laabanayo.

Hadii aynu nahay bahda Goolfm.net waxaan u rajeyneynaa gudoomiyaha guul.

Hadaba aqriste sided u aragtaa in aynu qeyb ka ahaano abaal-marinada galabta lagu bixinayo Nigeria?

DAAWO SAWIRADA ASXAABTA KALA DUWAN EE GAARAYA ABUJA:

CWMLd8NXAAAnds4 CWMM4OZWwAAyYZd CWMNa8WXAAIiq94 CWMRQshWIAERxKT CWMTX4KXIAEw0Tw CWMUF2hXIAAZdgE CYEOvr1WwAAmuSL G NB

W/Q: Mohamed Kaafi

Gool FM.

Rafa Benitez iyo Jose Mourinho oo isku helay Whatsapp-ka kaftana beerka isku gooyey! (Aqriso qoraalo Whatsapp-ah oo laga suureystay labadan bilaa camalka ah!)

$
0
0

jose-mourinho-rafa-benitez-real-madrid-chelsea_3330692

(Madrid) 07 Jan 2016. Saxafiga ka tirsan The Telegraph ayaa sameeyey qoraal SUU-REYSI AH oo uu ka mala awaalay Whats Up-ka isaga , waxa uuna ka dhigay sida in ay kuwada sheegyseen tababareyaasha dhowaantan shaqada laga buriyey ee kala ah Rafa Benitez iyo Jose Mourinho.

Labada tababare-ba CV-yadooda waxa ugu jira in ay soo maamulen Chelsea iyo Real Madrid.

Qoraalka Mourinho waxa uu durayaa Benitez, isaga oo u sheegay in qaabka uu kooxaha loo dhiibo ay meel xun dhex fariisiso halka uu weeraray maamulada sar sare ee kooxaha.

Sidoo kale Mourinho waxa uu ku calaacalay in kubada caga dunida haatan lacag un la raadiyo oo natiijada aysan waxba ahayn.

Jose Mourinho sidoo kale waxa uu si majaajilo leh ugu baashay dhuuni nimada Diego Costa taas oo sabab u noqotay in uu cayilo dheelina kari waayo.

Ugu dambeyn labada nin waxa ay isla garteen in aysan awood lahayn oo kaalintooda kubadda cagta iyo tababareyaasha guud ahaan aan la tix galin.

HALKAN KA AQRISO QORAALADA LA IS WEY-DAARSADAY OO TUR-JUMAN.

RAFA- Waxaa laga soo gaabiyey Rafael Benitez

MOU: Jose Mourinho

RAFA: Jose ma soo jeeda?

MOU: Maxaad rabtaa?

RAFA: Waxba.

MOU: Ma hubtaa…..

RAFA: Ma seexan karo.

MOU: Anigana sidoo kale.

RAFA: Caadiyan waqtigan oo kale waxaan daawan jiray muuqaalo oo waxaan isu diyaarin lahaa kulanka Deportivo oo aan ka fakarayey sabtida.
Waxaan hayaa hadaladii aan ku dhihi lahaa kooxda, ma jiro qof maqlaya, waxaan hayaa farsamo, ma jirto koox.

Qaabkan waa nooca ugu xun ee koox looga tago. Waa riyo qasaartay.

MOU: Duni shaqo la’aan ah macno ma leh.

Kaddib markii ay Chelsea I burisay, saddex habeen ma seexan.

Xaaskeyga Matilde ayaa ii shiida muuqalo FEER AH.

RAFA: Ma aysan fahmin wixii aan rabay in aan ku sameeyo Madrid.

Waxaan siiyey guushoodii ugu weyneyd muddo 56 sano ah, waxaan wali ku guuleysan karnay saddexley koobab ah, miyeeysan fahan saneyn in difaaca uu muhiim u yahay sida weerarka?

MOU: Taas waa hawl adiga kuu taal, mar walba waxaad is moodaa in aad dadka ka caqli badan tahay!

“Jamaahiirta Chelsea ma fahamaan, kuwa Madrid ma fahmaan, Perez ma fahmo”

Koox kasta oo aan tago waxaan dhahaa madaxweynaha ayaa maamule ii ah, hadii ay rabaan shan weeraryahan ciyaarsii, hadii ay rabaan Isco ciyaarsii.

Sidaas ayey u fududahay.

RAFA: Maya, hadii ay rabaan badis, maya, hadii ay rabaan guulo.

MOU: Gushee ka hadleyaa?

Taariikhda Real Madrid oo dhan waa, guulo, guulo guulo, ma waxaad mooday in hal horyaal ay kaaga qancayaan?

Mar walba oo uu James Rodriguez dheelo waxa ay ku iibiyaan 100,000 oo maaliyadiisa qaarada koobfurta America, ma waxaad mooday in ay daneenayaan kubad uu raacan waayey?

Xilli ciyaareedkii Atletico ay horyaalka qaaday waxa ay heleen 170milyan.

Real Madrid waxa ay ku dhameysatay kaalinta saddexaad, walina waxa ay Helen 550m.

Ma waxaad u maleeysay in Perez uu doonayo boosas la isku badalo?

Markaa aan ku weydiiyo, waa maxay guul?

RAFA: 30 sano ayaan ahaa tababare intaa waxaan daawanayey kaartooyin, farsamo iyo xog.

Habeenkii ayaan shaqeeya, ma seexdo, maxaysan umuuraha iigu hagaageen?

In la I dhaliilo ima dhibto, laakiin waxaa ka gubtaa in aan xakameenta lumiyo.

MOU: Aan sheeko kaaga dhoco…

Xagaagii hore aniga iyo Diego Costa waxaan joognay London si aan u aragno diktoor jilib.

Wuu xanaaqsanaa, waxa uu dalbaday raashin badan sida Greggs iyo wax la dhoho Cheese Milk.

Maalintaas qalad weyn ayey ahayd, hadam, Costa wax aan ahayn kuwaas kuma quraacdo, qadeeyo, casheeyo, mar walba iyaga ayuu rabaa.

Waan u sheegaa, waxaan dhahaa, Diego ciyaaryahan ayaa tahay, uma baahnid wax yaabahan aad ku cayileysid.

Wuxuu dhahaa, waxaan cunayaa waxa aan rabo.

Maxaan sameyn karaa?

RAFA: So ma aragtid tababaraha awood ma leh?

Madrid mar walba xan ayaa ku dileysa, hadii kooxda laga badiyo, tababaraha ayaa eeda iska leh.

Ciyaaryahanada waligood lama eedenayo iyo madaxweynaha.

 MOU: Hada waa xaalad aad kubada cagta ugu muhiim ah.

Aniga iyo adiga, aniga kuma jecli adiga, laakiin waan ku qadariyaa, waxaan nahay labada tababare ee dunida ugu wanaagsan.

Wali amaan ma lihiin, ma bad qabno, iyo ceeb joogta ah.

RAFA: Waatahaye, maxaynu nahay? Ma tababareyaal beynu ahay? Ma waxaanu nahay dad socod loogu daw galay?

MOU: Xalay waxaan daawaday ciyaar.

Mar walba qof ayaa dhimaya, dad ayaa la qiyaanayaa, wax badan oo xirfadeena ay isaga eg yihiin ayaan ku arkay.

RAFA: Tani ma aha CIYAARTII aan soo raad saday. Mararka qaar waxaaba shaki iga gala in waxani ciyaar yihiin.

Sidee u aragtaa?

MOU: Ma aqaan.

Sidoo kale tani waa sababta aan u seexan Karin.

1w 2w 3w

Waxaa turjumay Mohamed Kaafi

Gool FM.

Ku SAHMI muuqaalkan Gegida Santiago Bernabeu

$
0
0

Satellite

(Madrid) 08 Jan 2016. Gegida Santiago Bernabeu waa mid ka mida kuwa dunida kubadda cagta loogu jecelyahay uguna faca weyn.

Sidoo kale, garoonka ka dhisan caasimada Spain ee Madrid, Bernabeu, waxaa lagu tilmaami karaa TAARRIKHI ama ATAAN ka mida dheesha quruxda badan ee kubada cagta.

Real Madrid, oo ah naadiga ciyaaryahan walba oo soo koraya uu ku riyoodo in uu ka mid noqdo kolka uu caga dhigo cawska yaal Santiago El Bernabeu dur-badiiba waxa uu noqdaa Super Star guulana ku gaara ceyney doodto ha ahaatee.

Hadaba daawo muuqaal aad ku sahmin karto karoon aad jeclaan lahayn in aad boqato xitaa hadii aad tahay TAAGEERE BARCELONA!

Gool FM.

DONNARUMMA VS TOTTI: Ma aamini kartid farqiga u dhexeeya labadan laacib oo xalay wada ciyaaray!

$
0
0

(Roma) 10 Jan 2016 – Waxaa xalay dhacay kulan runtii aad u xaraarad badnaa oo u dhexeeyay kooxaha AS Roma vs AC Milan, kaasoo kusoo idlaaday 0-0.

Yeelkeede, waxaa ciyaartaas ka dhex socotey ciyaar kale waayo waxaa iska horjeedey laba laacib oo aad u kala duwan dhanka da’da waana qabtaha 16-jirka ah ee AC Milan ee Gianluigi Donnarumma iyo kabtanka kooxda AS Roma ee Francesco Totti oo 39 jir ah.

WAA IMISA FARQIGA LABADA LAACIB?

Labadan laacib ayaa waloow ay ahaayeen laba nin oo iska soo horjeeddey xalay waxaa u dhexeeya farqi dhanka da’da ah oo ah 22 sano, 4 bilood iyo 29 maalmood.

b

Gool FM

Qurux d’Or: 10-ka ciyaaryahan ee dunida ugu quruxda badan! Messi, Cristiano iyo Neymar yaa uga jira?)

$
0
0

1

(Zurich) 11 Jan 2016.Iyada oo ay inaga xigto saacado kooban oo kaliya xaflada lagu bixin doono Ballon d’or ee ka dhaceysa Zurich aynu fiirino 10-ka laacib ee kubada cagta ugu quruxda badan.

Qurux d’Or! Caawa waxaa masraxa ku loolamaya Lionel Messi oo afar mar haysta abaal-marinta, Cristiano Ronaldo oo saddex jeer ku guuleystay iyo Neymar oo markiisii ugu horeeysay hamiyaya! Hadaba caawa hadii la bixin lahaa qurux d’Or  yaa ku guuleysan lahaa saddexdooda!

10. Mats hummelsBorussia Dortmund

10

9. Gerrard Piqué – FC Barcelona 

9

8. Cesc FabregasChelsea

8

7. Mario GotzeBayern Munich 

7

 

6. Fernando TorresAtletico Madrid  

6

 

Van PersieFenerbahçe S.K. 

5

 

Iker Casillas – FC PORTO4

 

David Villa – New York City FC 

3

 

2. Kaka – Orlando City FC 

2

1. Cristiano RonaldoReal Madrid 

1

Gool FM.

LOOLAN IYO XARAGO! Yaa ku sitay dhinaca Style-ka xalay?)

$
0
0

ballondor

(Zurich) 12 Jan 2016. Waa lagama maar-maan in in xafladii xalay oo kale lagu soo bandhigo dhookha labis ee ciyaaryahanada iyaga oo si hoose midba kan kale is weydiinayo halka uu ka keenay dhadhankiisa!

Hore ayeynu uga soo faa-loonay TEST-GA (Dhadhanka xarago ) ee Lionel Messi kahor xaflada laakiin xalay waxaa ka dhacday hala’isugu faano!

GUJI HALKAN SIDA AAD WAX BADAN UGA OGAATO DOOKHA LIONEL MESSI http://www.goolfm.net/wararka/leo-messi-iyo-dolce-gabbana-sheekada-quruxda-badan-ee-ka-dambeeysa-suudadka-uu-laacibka-argentina-u-soo-xirto-xafladaha-ballon-dor/

Hadaba xalay sidan ayey u soo labisteen xiddiga waxaana soo uruurinay kuwii ugu ilqabadka badnaa! Adiga xorta ayaad u tahay kan ugu horeeya!

FIFA Ballon d'Or Gala 2015

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 11: Samuel Eto'o arrives for the FIFA Ballon d'Or Gala 2015 at the Kongresshaus on January 11, 2016 in Zurich, Switzerland. (Photo by Philipp Schmidli/Getty Images)

Iniesta

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 11: Kaka of Orlando City and Brazil arrives for the FIFA Ballon d'Or Gala 2015 at the Kongresshaus on January 11, 2016 in Zurich, Switzerland. (Photo by Philipp Schmidli/Getty Images)

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 11:  Lionel Messi of Argentina and FC Barcelona receives the Ballon d'or during the FIFA Ballon d'Or Gala 2015 at the Kongresshaus on January 11, 2016 in Zurich, Switzerland.  (Photo by Matthias Hangst/Getty Images)

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 11:  Paul Pogba and his mother attend during FIFA Ballon d'Or Gala 2015 at the Kongresshaus on January 11, 2016 in Zurich, Switzerland.  (Photo by Matthias Hangst/Getty Images)

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 11: FIFA Ballon d'Or nominee Neymar Jr of Brazil and FC Barcelona arrives for the FIFA Ballon d'Or Gala 2015 at the Kongresshaus on January 11, 2016 in Zurich, Switzerland. (Photo by Philipp Schmidli/Getty Images)

Gool FM.


Wax ka baro xiddigaha kubadda cagta ee la la meel dhigo Lionel Messi, magacana la wadaaga + SAWIRRO

$
0
0

messi

(Barcelona) 15 Jan 2016 – Xiddiga markii shanaad bishaan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’or ee laacibka ugu fiican Adduunka Lionel Messi ayaa la la meel dhigaa xiddigo badan oo ku kala nool Adduunka dacalladiisa kuwaasoo ka mid ah ciyaryahannada ku xamaasha kubadda cagta.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa sawirrada, magacyada iyo dalka ay ka soo jeedaan xiddigaha la la meel dhigo mucjisada kooxda Barcelona ee Lionel Messi kuwaasoo magaciisa la wadaaga.

Waxaadna maanka ku haysaa in laacibka reer Argentina ee Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka ugu badan ee magaciisa la la baxay adduunka oo dhan.

Gai Assulin – “The Israeli Messi”

Václav Pilar

Christian Atsu – “The Ghanaian Messi”

Václav Pilar

Sardar Azmoun – “The Iranian Messi”

Václav Pilar

Hanson Boakai – “The Canadian Messi”

Václav Pilar

Giorgi Chanturia – “The Georgian Messi”

Václav Pilar

Abdelmoumene Djabou – “The Algerian Messi”

Václav Pilar

Alan Dzagoev – “The Russian Messi”

Václav Pilar

Nabil Fekir – “The French Messi”

Václav Pilar

Giannis Fetfatzidis – “The Greek Messi”

Václav Pilar

Viktor Fischer – “The Danish Messi”

Václav Pilar

Ryan Gauld – “The Scottish Messi”

Václav Pilar

Sebastian Giovinco – “The Italian Messi”

Václav Pilar

Alen Halilovic – “The Croatian Messi”

Václav Pilar

Stevan Jovetic – “The Montenegrin Messi”

Václav Pilar

Yevhen Konoplyanka – “The Ukrainian Messi”

Václav Pilar

Bojan Krkic – “The Spanish Messi”

Václav Pilar

Marko Marin – “The German Messi”

Václav Pilar

Hachim Mastour – “The Moroccan Messi”

Václav Pilar

Ryder Matos – “The Brazilian Messi”

Václav Pilar

Niall McGinn – “The Northern Irish Messi”

Václav Pilar

Ahmed Musa – “The Nigerian Messi”

Václav Pilar

Yoshinori Muto – “The Japanese Messi”

Václav Pilar

Aras Ozbiliz – “The Armenian Messi”

Václav Pilar

Václav Pilar – “The Czech Messi”

Václav Pilar

OJ Porteria – “The Filipino Messi”

Václav Pilar

Patrick Roberts – “The English Messi”

Václav Pilar

Marco Rojas – “The Kiwi Messi”

Václav Pilar

Raúl Ruidíaz – “The Peruvian Messi”

Václav Pilar

Mohamed Salah – “The Egyptian Messi”

Václav Pilar

Yussuf Saleh – “The Ethiopian Messi”

Václav Pilar

Lee Seung-woo – “The South Korean Messi”

Václav Pilar

Xherdan Shaqiri – “The Swiss Messi”

Václav Pilar

Chanathip Songkrasin – “The Thai Messi”

Václav Pilar

Humam Tariq – “The Iraqi Messi”

Václav Pilar

Gabriel Torje – “The Romanian Messi”

Václav Pilar

Andik Vermansyah – “The Indonesian Messi”

Václav Pilar

Andrija Zivkovic – “The Serbian Messi”

Václav Pilar

Gool FM.

KA JAWAAB HAL XIRAALAHAN KUBADDA CAGTA AH!

$
0
0

(Muqdisho) 19 Jan 2016. Dhamaanteen weynu jecelnahay ka jawaabida HAL XIRAALE YAASHA.

riddle-1024x576

Laakiin qaarkood aad ayey u fudud yihiin la taalidooda.

Laakiin HAL XIRAALAHAN Waxa uu wareeriyey bahda kubadda cagta xitaa kuwa magaca ku leh dheelideeda in ay xal u helaan.

Internet-yada oo dhan iyada ayaa haysata maadama dadka oo dhan isku dayayaan in ay xalkeeda helaan.

Waa sidatan: Sheeg ciyaaryahan ka garab dheelay Zidane, Carlos iyo Crouch, kaas oo wada qaaday biladaha La Liga, Serie A iyo Champions League.

Wey fududahay, sax? Hadaba su’aashan xitaa Crouch waxa uu sheegay in ay waashay!

Capture

 

Hadaba isku day jawaabta adiga oo noo sheegaya magacaaga iyo dalka aad joogto.

Gool FM.

SHALAY IYO MAANTA: Ma maleysan kartid sida uu isku badelay waayaha xiddigahan kubbada cagta… (Daawo SAWIRRO gaar ah)

$
0
0

shalay iyo maaanta

(World) 20 Jan 2016 – Marna ma ahaaneysid sidaad shalay ahayd da’duna daawo ma leh.

Haddaba waxaan halkan idin kugu heynaa sawirro gaar ah oo laga soo ururiyay qaar ka mid ah xiddigaha ugu caansan kubbada cagta iyo sida uu u badelay waayaha iyo waqtiga.

Deigo Mardona, rugcadaagii Brazil Ronaldo, jowharaddii xulka Ingiriiska David Beckham, halyeygii Man United Eric Cantona, tababaraha iminka ee Man United Van Gaal iyo ku xigeenkiisa Giggs  iyo xiddigo kale.

Ka boggo sawirro ah SHALAY iyo MAANTA:

Ronaldo

97366

Diego Maradona

97357

Vinnie Jones

97378

David Beckham

97356

Neil Ruddock

97381

Sam Allardyce

97442

Chris Waddle

97367

Ray Parlour

97441

Eric Cantona

97376

Harry Redknapp

97379

Ryan Giggs

97374

John Barnes

97360

Steve Bruce

97365

Mauricio Pochettino

97362

Guus Hiddink

97359

Paul Scholes

97375

Carlo Ancelotti

97373

Johan Cruyff

97368

Graeme Souness

97364

Louis van Gaal

97361

Gary Lineker

97358

Duncan Ferguson

97377

Gool FM.

DAAWO: Jose Mourinho oo dur-badiiba la weydiiyey Pep Guardiola iyo xaqiijintiisii shaqada Man City iyo in uu noqon doona tababaraha Man United. Muxuu ku jawaabay?)

$
0
0

CaImoXeW0AA1oyp.jpg large

(London) 01 Feb 2016. Wariyaha ka hawl-gala Sky News ee Paul Kelso ayaa weydiiyey su’aal maanta (Isniin) THE SPECIAL ONE balse ahayn mid uu Mourinho ka jawaabi lahaa!

Tababarihii hore ee Chelsea waxa uu ku sugnaa gegida Stamford Bridge isaga oo ka qeyb galayey Gianni Infantino oo ku dhawaaqaya ololihiisa uu ku doonayo noqoshadda madaxweynaha FIFA.

Wariyaha waxa uu wajiga Mourinho ku qabtay Kaamirada isaga oo weydiiyey in uu wax ka dhoho wararkii sheegayey in Pep Guardiola loo xaqiijiyey shaqada Man City ee kol dambe iyo in isaga noqon doono macalinka Mancehster United.

Mourinho su’aasha waxa uu ka dhigay mid aan jirinba! Yacni kama jawaabin!

DAAWO MUUQALKA

 

 

 

Capture

___Jose Mourinho waxa uu meesha ka saaray dalabkeygii aan PepGuardiola ugu dirin lahaa “Nasiib wacan” Kaalintiisa cusub ee Manchester City.

Gool FM.

CUNSURIYAAL DHINAC WALBA AH: Taageereyaasha Chelsea oo bur buriyey maqaayad uu lahaa nin MUSLIM ah+DAAWO MUUQAAL

$
0
0

timthumb.php

(London) 02 Feb 2016. Muuqaalka waxa uu muujinayaa koox bur burisay maqaayad halka ay ku heesayaan heesta astaanta u ah Chelsea iyaga oo mideysan. Nin da’yar oo u ‘eg Carab ayaa la aaminsan yahay in uu leeyayahay maqaayadda, waxa uuna ku jiraa xeyn daab wareeg ah oo ay saeeyey kooxda, waxa uuna u muuqda mid raba in uu ka baxsado.

Sida laga soo xiganayo Independent, muqaalka oo toddobaadkii hore la sii daayey, ayaa lagu duubay Munich 2012 kahor kulankii fiinalaha Champions League.

Taagreere Chelsea ah ayaa wiilka Carabka tuuraya si dagaal ku jiro waliba bartamaha dhulka ay xayn daabka ka sameeyeen, wuu is taagaya isaga oo u dhaqaaqaya dhinaca kii la dagaalay wuuna u digayaa, laakiin dulmi lowga iyo mid kale wajiga ayey feer uga dhufteen.

Muuqaalka oo 30 ilbiriqsi ah ayaa ku dhamaanaya taageere kale oo wata khamri oo isku dayaya in uu arinta qaboojiyo, waxa uuna leeyahay “Ha sameyn sidan, ragoow!

 

DAAWO MUUQAALKA:

 

Guji Halkan si aad u aragto isha warka laga soo xigtay

 

Gool FM.

Jamaahiirta Man United oo caawa adeegsan doona xeelad ay 2009 ku guuleysteen si ay meesha uga saaraan LVG! Hadaba maxay tahay?)

$
0
0

(Manchester) 02 Feb 2016. Jamaahiirta Red Devils waxa ay luli doonaan safaleetiyo oo ay uga soo hor jeedaan qoyska Glazers

m1

Taageereyaasha Manchester United waxa ay qorsheenayaan in ay dib u soo nooleeyaan safaleetiyaddii dahabiga iyo cagaarka ahaa si ay uga soo hor jeestaan qoyska Glazer milkiyadooda marma ay caawa Stoke soo booqato Old Trafford, hase yeshee, iyada oo ay iibsadeen tikidhada kulanka badi jamaahiirta, qorshaha ma yeelanayo hadafkii lala jeclaa.

Dibad baxyadan, oo ay jamaahiirta ku dhawaaqaan “Cagaar iyo dahab ilaa nala iibsado” iyo lulida safaleetiyadda oo ka kooban midabadii kooxdii Newton Health, waxa ay bilowdeen gaba gabadii xilli ciyaareedkii 2009-10 waqtigaas oo ay taageereyaasha ku banana bexeen milkiileyaasha reer America oo kooxda maal galin ku sameyn jirin.

m2

United waxa ay iibisay Cristiano Ronaldo iyo Carlos Tevez iyadaoo ku badashay Antonio Valencia iyo Michael Owen.

Dibad baxyadan waxa ay dheceen xilli ay Old Trafford kulan Champions League soo booqatay AC Milan oo uu la socday David Beckham kaas oo qudhiisa qoorta surtay safaleetiga halka uu sacabadda isu saaray jamaahiirta.

Laba horyaal oo ay qadeen sam3ddexddii sano ee ka dambeeysay ayaa hoos u dhigay dibad baxyadaas.

 

Laakiin iyada oo uu Louis Van Gaal, kaas oo aysan jecleyn taageereyaasha uu xilka sii hayn doono ugu yaraan ilaa iyo xagaga soo socda, Man City-na xaqiijisay saxiixa Pep Guardiola, jamaahiirta waxa ay garow sadeen in ficil dheeri ah loo baahan yahay.

United waxa ay qarash xoog leh isticmaashay xagaagii tagay balse sidoo kale waxaa lagu qasbay in ay dhinta miisaniyada baxda oo ay kala dirto Robin van Persie, Angel Di Maria iyo Radamel Falcao.

Ka kaalay in ay hanato horyaalka oo ahaa bartilmaameed bilowgii ololaha, waxa ay halis ugu jirtaa in ay weyso kaalin ka mida afarta sare taas oo ay dheertahay in maamulka uusan suuqa galin suuqii idlaaday habeen hore.

m4

Hada, jamaahiita careysan, waxa ay muujin doonaa dareenkooda kulanka Stoke.

Waxaana la filayaa in ay dalaban doonaan milkiileyaal cusub iyo tababare kale.

 

Gool FM.

DAAWO: Waxii xalay lagu arkay Emirates!!

$
0
0

wengerjpg-1024x645

(London) 02 Feb 2016. Habeenkii gaba-gabada suuqa kala iibsiga ee Bisha Janaayo (Isniin) jawiga Arsenal wuu daganaa maxaa yeelay ma jirin wax dhaq dhaqaaq ah maka laga reebo Mathieu Debuchy oo ku biiray Bordeaux.

Laakiin saxafiga Sky Sports News uga soo waramaya gudaha Emirates ayaa arkay dawoco dhex ordeysa garoonka iyada oo daqiiqadaha suuqa xiritaankiisa la xisaabinayey!

Waxa ay u ekeyd in ay nolosheeda ku raaxeysaneysay!

DAAWO MUUQAAL:

 

Gool FM.


David Beckham oo muujiyey in uu yahay kubad ciyaarayaha dunida ugu wanaagsan. Muxuu sameeyey?)

$
0
0

beckham-e1454405804516

(London) 03 Feb 2016. David Beckham waxa uu mar kale muujiyey in uu yahay kubadd ciyaaryaha dunida ugu wanaagsan kaddib markii uu si qalbi nugeel ah ula macaalinay dhaqaatiirta dadka xanuunka baraleeska qaba daweeya iyo bukaankiisii.

Catherine Maynard oo ah (Cyclist paramedic ) waxa ay daweeneysay bogaan da weyn kaas oo ku kufay wada Endsleigh ee bartamaha London isniintii markaas oo uu soo booqday qof aysan fileyn.

Beckham oo la arkay isaga oo la jooga Catherine iyo bukaankii weynaa oo sugayey ambalaas ayaa u keenay cabitaano.

“Waxaan la joogay bukaankeyga aniga oo sugayey ambalaas si aan cisbitaalka u keenay,” ayey tiri Catherine Maynard.

“Markii aan kor fiiriyey, waxaan arkay qof u ekaa David Beckham oo na hor socda.

“Waxa uu dhahay Hello waxa uuna galay gaarigiisa. Ninkii aan daweenayey ayaan u sheegay in kaas malaha uu yahay David Beckham.”

“10 daqiiqo kaddib, waxa uu la soo laabtay koob kafee ah iyo shaah uu u keenay bukaanka.

“Labadeenaba waan yaabnay waana faraxnay. Qabow badasn ayaa jiray markii wax yaabha kulul keenayna waan aamni weynay – aad ayaan ula yaabay.’

Dhaqankii Beckham waxaa aad u soo dhoweeyey shaqaalaha Ambalaasta ee London waxa ayna dheheen: “Xitaa koob shaah ah oo la keeno shaqaalaha in ay ka mahad celiyaan ayey qasbeysaa.’

Gool FM.

Xulka Qaranka Somalia ee xeegada Barafka oo markii labaad ka qeyb galaya tartanka World Bandy (Ka bogo Group-ka ay ku jiraan, tababaraha hogaamianya iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan+Sawiro)

$
0
0

somali-national-bandy-team0

(Sweden) 03 Feb 2016. Xulka qaranka Somalia ee wiilasha taranka Xeegada Barafka ee loo yaqaan (Bandy) ayaa u safray magaalada Ulyanovsk ee dalka Russia si ay uga qeyb galaan koobka aduunka ee 2016 ee ciyaarahaas.

Somalia waa markii labaad oo xiriir ah oo ay tartankan ka qeyb galayaan.

Xulka Somalia waxaa la filayaa in ay ka soo dhoofaan dalka Sweden oo uu saldhigoodu yahay 9-ka bisha Janaayo.

Tartankan Somalia waxa ay uga jirtaa Group B waxaana qeyb ka ah dalalka Hungary, Germany, China, Czech Republic, Mongolia, Netherlands, Ukraine, Estonia iyo Japan.

Kulamada waxa ay dhici doonaan laga bilaabo 10-a ilaa iyo 14-ka Febraayo.

Waa tartankii saddexaad dalkan African-ka ah yar tan iyo markii la bilaabay mashruucan snaadii 2013. Wiilasha Somalia ee dheela ciyaarta Hockey-da ee lagu ciyaaro barafka waxa ay can ka ahaayeen daawadeyaasha Russia iyo saxaafada Russia.

Xulka qaranka Somalia ee Bandy-ga waxa ku badan ciyaaryahanada reer Sweden gaar ahaan dagan magaalada Borlange waxaana tababare u ah ciyaaryahankii hore ee Sweden Per Fosshaug halka dhaqaalaha ay ka saacido dawladda hoose ee Borlange iyo gudiga Olympy-kada soomaaliyeed.

Somalia ay noqotay dalkii ugu horeeyey ee Africa ka socda oo ka qeyb qaata tartankan 2014 waxa ayna sameyeen badhigyo wanaagsan.

 

SAWIRO

s4

s2 s3 s4

 

Gool FM.

DAAWO: Xalay waxa uu ahaa habeen U GAAR AH LEO (500 oo gool! ka bogo sida uu u kala dhaliyey)

$
0
0

CaUd3WLXEAAF5SR.jpg large

(Catalonia) 04 Feb 2016. Leo Messi waxa uu gaaray tilaabo kale.

FC Barcelona waxa ay laba cad ka kala dhigtay Valencia arbacaddii habeen uu jiray Copa del Rey.

Laba gool oo u bilowgii dhaliyey Luis Suarez ayaa axwaasha bilaabay kahor inta uusan Leo Messi ka dhigin 3-0 inta aysan dhamaan qeybta hore.

Qeybtii dambe, kaddib markii uu Neymar khasariyey gool ku laad, Messi waxa uu soo taabtay shabaqa mar kale, isaga oo biddixdda si macaan ugu dhameystiray.

Goolka waxa uu ahaa mid SPECIAL ah,: Waxa uu ahaa kiisii 500-aad ee waayihiisa.

Wali waa 28 jir.

Goolashiisa hadii ay kala dhig dhigno waa sidan:

Barcelona   435

Argentina 49

Argentina (Kuwa ka yar 20-ka sano) 14 gool.

Argentina (Kuwa ka yar 23-ka sano) 2 gool.

 

 

Gool FM.

ILLOOW WARARKII HORE: Muuqaalkan Sabtidan la duubay waxa uu QISH weyn ka bixinayaa Jose Mourinho oo bilbaabay shaqadii Manchester United

$
0
0

CaiceCiW4AAWu0r.jpg large

(Manchester) 06 Feb 2016. Jose Mourinho waxa maanta lagu arkay Germany.

Special One waxa uu joogay gegida Olympiastadion isaga oo daawanayey kulankii u dhexeeyey Hertha Berlin iyo Borussia Dortmund.

Kaftankii ayaa hore ka bilowday: Mourinho ma Red Devils ayuu u sahan tagay?

Sida warar badan laga soo xiganayo 72-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa la sheegayey in Jose Mourinho uu ku wajahan yahay Manchester United.

Mourinho waxa kulanka maanta ku martiqaaday agaasimaha Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke.

Daawo Muuqaalka:

 

Gool FM.

DAAWO: Jose Mourinho oo bixiyey wareysigii ugu dambeeyey, wacadna ku maray in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u shaqo bilaabi doono, qishay dalka, in uu ka guurayo London iyo in kale

$
0
0

CakGeNYWwAEaq32.jpg large

(London) 07 Feb 2016. Jose Mourinho waxa uu bixiyey wareysi cusub, gaarna u ah GQ jariirada loo yaqaan isaga oo daaha uga rogay noloshiisa kaddib Chelsea.

THE SPECIAL ONE waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay GQ kaddib markii loo doortay “SHAQSIGA SANADKA” oo ah ja’iso ay bixiyaan 2015.

Intii wareysiga lagu jiray, tababaraha u dhashay Portugal waxa uu fursad u helay in uu wado gaari cusub oo noociisu yahay Jaguar.

Wareysiga oo dhan, Mourinho ma uusan magac dhabin Man United.

 

WAX YAABIHII LAGA SOO XIGTAY KUWA UGU MUHIIMSAN:

Waqti xaadirkan shaqo ma hayo, mana aqaan meesha kubadda cagta I geyn doonto, maxaa yeelay kubadda cagta ma ogaan kartid. Laakiin waxaa xaqiiq ah, qoys ahaan, gurigeena waxa uu ahaan doona wali England, gurigeena waxa uu ahaan doona London.

Laakiin caadiyan waxaan diyaary u ahay in aan hore u socdo, oo aan ku laabto kubadda cagta. Waxaan qabaa in ay tahay waxa aan xiiseenayey ilaa iyo inta aan xusuusto, tababare ahaan ilaa iyo 200. Waxaan joojiyey markii aan ka tagay Chelsea 2007, dhowr bilood, hada waa markii labaad ee aan joojiyey 15 ilaa iyo 16 sanadood, markaa ma aha wax lala yaabo. Hubaal aniga, waan soo laaban doona goor dhow.

Gool FM.

Viewing all 137 articles
Browse latest View live