Quantcast
Channel: Taariikhda – Gool FM
Viewing all 137 articles
Browse latest View live

MA JOOGTAY MISE MABAAD JIRIN: Taageerayaasha Arsenal oo Twitter-ka baalasha uga tifay kuwa Chelsea! (Xifaalo cajiib ah!)

$
0
0

(London) 15 Luulyo 2015 – Taageerayaasha Chelsea ayaa maadsi cajiib ah kala kulmay dhigooda Arsenal oo si xirfadaysan ugu shitay arrin khusaysa Claudio Ranieri oo iminka loo magacaabay Leicester City.

Ranieri, oo lagu bedeley Nigel Pearson todobaadkan, ayaa Chelsea macallin u ahaa muddo 4 sano ah oo u dhaxaysay 2000-2004.

Sanaddii 2003 ayuu Roman Abramovich naadiga iibsaday isagoo lacag fara badan geliyay Chelsea, isagoo lacag ka badan £100milyan oo gini kusoo gaday laacibiin ay ka mid ahaayeen Petr Cech, Damian Duff iyo Hernan Crespo balse maadaama ay kooxdu horyaalka qaadi wayday ayay taasi keentay in la eryo Ranieri sanadkii xigey.

Ranieri ninka bedeley ayaa noqday Jose Mourinho oo ay taageerayaashu si wanaagsan u ogyihiin wixii intaa ka dambeeyay, balse taageerayaasha Gunners ayaa intii aan ogayn si la yaab leh u xusuusinaya iyagoo Twitter-ka baalasha uga tifaya.

claudio-ranieri

Gool FM


Zola: Messi waxaan rabaa in uu yimaado kooxda Al Arabi

$
0
0

Zola

(Doha) 16 Luulyo 2015 Tababaraha cusub ee naadiga Al Arabi ayaa sheegay in uu kooxda keeno Lionel Messi in ay tahay riyadiisa ugu weyn balse waxa uu intaa ku daray in hormarinta tayada ciyaaryahanada maxaliga ah ay tahay yoolkiisa ugu weyn.

Magacyo waa weyn oo kubadda cagta ah ayaa dhowaanayaahan aaday dalalka Qadar iyo Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan Xavi, Pep Guardiola, Frank de Boer iyo Gabriel Batistuta, Zola waxa uu rajeynayaa in milkiilayaasha dhiniciisa ay awood u yeeshaan in ay soo iibsan karaan xiddiga sida heer-ka Lionel Messi oo kale ah, inkastoo oo uu qiray in ay tahay hawl aan sahlaneyn.

“Hadii kooxda ay dooneyso in ay lionel Messi ii so iibiso, taas oo wax ugu horeeyo ee aan rabo. Markaa waxaan noqonaya ninka dunida ugu farxada badan,’ ayuu Zola u sheegay Doha Stadium Plus.

“Laakiin aniga waxa uu dagaal iigu filan in aan hormariyo tayaa ciyaaryaahana maxaliga ah. Waa furaha in aan mustaqbalka qaadno koobab waa weyn.

“Ciyaaryahanaa dibda wax yaabo ayey kaa caawin karaan. Shaqaalahayga waa kuwo khibrad leh waxa ayna soo saarayaan hibo cayriin ah. Waan sameyn karnaa isbadal.”

Zola waxa uu ku biiray Al Arabi kaddib markii uu hore u soo leyliyey West Ham, Watford iyo Cagliari.

Gool FM.

Maxay tahay sababta Mo farax loogu eedeyay Drugs,maxaadse ka taqaan Ciyaaryahanada Midabkooda lagu cunsuriyadeeyay ? (DHEGEYSO)

$
0
0

(Muqdisho) 21 Luulyo 2015- Waxaa dhowaan wargeysyada dalalka reer Galbeedku shaaciyeen in Orodyahanka dalkeena Soomaaliya u dhashey ee Mohamed faarax Mo ee heysta dhalashada Pritain inuu ka dhuuntay baaritaankii maadada ciyaaryahanada mamnuuca ka ah intii lagu gudajirey ciyaarihii Olombikada ee 2012,taasoo ahayd fadeexad Been abuur oo mugdi lagu gelinayo guusha uu gaaray xidiga Africanka ah ee Muslimka ah.

Hadaba Aqristoow maxaad kala socotaa Ujeedada ka danbeeysay arintaasi been abuurka ah,sidoo kale maxaad kala socotaa 100-kii sano ee ugu danbeeysay taariikhda xidigaha Madowga ah ee guulaha waaweyn fagaarayaasha caalamka ka keenay dhamaanba noocyada ciyaaraha ee midabkooda ama Diintooda dartii lagu cunsuriyeeyey.

Amuurahaasi oo idil waxaa inoo qaadaa-dhigaya Khabiir sare Dr.Cali Cismaan Cali oo ahaa Xoghayihii Olombikada Soomaaliya,iyo Tababare Xulalka Wiilal iyo Gabdho ee Kubadda Koleyga xiligii Dowladdii dhexe iminkana dhaq dhaqaaqa Sportiga iyo dhaqanka ka wada Atlanta Giorgia oo USA katirsan Dhegeyso wax badan aad ogaatide:

west_bigo_650_110906muhammad_ali1631x1200-0mo4SAWIRO

  W/D: C/xafiid Zaciimka

Soo-saaraha Falanqeynta Gool FM

SAWIRRO: Waqtigu ma xaasid baa mise waa xabiib? (Bal eeg farqiga xidigahan!)

$
0
0

(Europe) 24 Luulyo 2015 – Da’du waa tiro lkn qofba si ayay ka dhigtaa (bal eeg farqiga jaallayaasha Mr Pirlo iyo Mr Alonso iwm) qaar bay tintii is maca salaameeyeen, qaarna, hagaag! Mid cusub bay tallaasheen sida een…Wayne Rooney *qufac, qufac*.

Raacayaashii rafka ahaa ee Premier League sida Frank Lampard iyo Steven Gerrard waxay filayaan in tillaabada gaabiska ah ee lagu ciyaaro MLS ay woxoogaa gaabin doonto xawaaraha ay ku socoto da’da ka daba ruclaynaysa ee wejiyadoodii riftay.

Adigoo intaas maanka ku haya, ama qosol ama qamuunyoo, balse isha ka qaad xaasidnimo iyo xabiibnimo wixii uu waqtigu leeyahay adigoo hal-beeg ka dhiganaya sida uu ula dhaqmay maqaawiirtan kubadda cagta:

Halkan ka eeg sawirrada laacibiinta…

pirlo-main

Gool FM

 

WAR BAXSAN MISE SHEEKO BARALEEY: Maxaa ka run ah inuu Bacca kalluun beecin jirey?!

$
0
0

bacca-el-cup490epa_1(Shenzhen) 25 Luulyo 2015 – Qanaaska cusub ee AC Milan ee Carlos Bacca ayaa is barbardhigay Ronaldo Wayne, isagoo sidoo kale ka sheekeeyay arrimo fara badan oo ku saabsan Serie A iyo noloshiisa gaarka ah.

“Waxaan shabahaa Ronaldo, midka ‘brasileiro’,” ayuu isku amaanay. “Haddii ay Milan lacag badan ii quurtay, waxay marqaati ka tahay iimaanka ay igu qabaan.” ayuu raaciyay 28-jirkan oo sidoo kale ka hadlay waxyaabo laga qoray.

“Dhanka internet-ka waxyaabo badan oo bilaa micne ah ayaa carruurnimadaydii laga sheegay. Waxaa jira sheekooyin ku saabsan inaan aabahay caawin jirey anigoo iibinaya kalluun, taasoon run ahayn, sidoo kale qaar baa sheegay in awoowahay uu bedeley magaca abuullankeenna, taasina run ma aha.” ayuu raaciyay isagoo qiray inuu caawinta qoyskiisa dartii uu u noqday laacib.

“Magaca la igu naanayso waa ‘El Peluca’? ['Burukada'] waayo carruurnimadaydii waxaan ahaa nin tin badan. Haddii aad magaaladayda timaado oo aad Carlos waydiiso qofna iima aqoonin lkn haddii aad u bedesho El Peluca qof kasta wuu ii kaa keenayaa.” ayuu yiri.

Ugu dambayntiina wuxuu soo hadal qaaday kooxaha kula xafiiltami doona Talyaaniga. “Juve iyo Inter aad bay u adag yihiin, balse ma aha kooxaha qura een is hayno. Quruxda Serie A waa jiritaanka kooxo badan oo isku xoog ah.” ayuu yiri Bacca oo rajeeyay inuu ku dabaaldego garoonka Juventus Stadium isagoo xiran funaanadda Milan.

“Halkaasi waa meeshii aan ku qaaday koobkii iigu horreeyay ee Europa League anigoo Sevilla la jooga, anagoo Benfica rigoore ku dilnay.” ayuu yiri.

Gool FM

SAFKII UGU SARREEYAY SOOYAALKA: Galliani oo xushay 11-kii ugu kululayd Milan 30-kiisii sano

$
0
0

(Milano) 30 Luulyo 2014 – Madaxwayne-xigeenka Adriano Galliani ayaa magacaabay shaxda ugu xooggan ee Rossoneri mudadii 30-ka sanadood ahayd ee uu kooxda ku sugnaa.

Galliani oo uu waraysi aad u dheer la yeeshay Gazzetta dello Sport, ayuu 71-jirkani wuxuu sharraxay dookhiisa 11-kii ugu kululayd ee sida uu qabo soo martay Rossoneri.

“Waxaan dookheeyga ku salaynayaa wixii ay laacibiintani Milan u qabteen.” ayuu kusii afeeftay, isagoo weerarka laba ikhtiyaar keenay mid ka kooban Ruud Gullit iyo Marco Van Basten iyo dookha kale oo ah Andriy Shevchenko iyo Filippo Inzaghi.

Adriano Galliani XI (4-3-1-2): Rossi; Tassotti, Costacurta, Baresi, Maldini; Pirlo, Rijkaard, Seedorf; Kaka; Gullit (Inzaghi), Van Basten (Shevchenko)

Macallimiinta: Arrigo Sacchi, Fabio Capello and Carlo Ancelotti

s

Gool FM

Van der Wiel: “PSG waxa ay dooneysaa in aan boxo”

$
0
0

van-der-Wiel

(Paris) 02 Agoosto 2015. Dambeedka middig ee Paris Saint-Germain Gregory van der Wiel ayaa sheegay in kooxa ay dooneyso in ay iska iibiso.

Laacibka Les Rouges et Bleu, ayaa sheegay mustaqbalkiisa in uu ku xiranyahay kooxda sida ay dooneyso bilowgii xagagan.

Waxa uu hadlay kaddib guushii ay xalay ka gareen kooxda Lyon waxa uuna yiri: “Waxaan rabaa in aan joogo laakiin kooxda in aan boxo ayey rabtaa. Wax yaabaha wey cad yihiin.”

Van der Wiel waxa uu qeyb ka ahaa xiddigihii Holland ee gaaray afar dhamaadkii koobkii aduunka 2014.

Gool FM.

 

DHEGEYSO: Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan kulanka Community Shield (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Gool FM) 02 Agoosto 2015 – Kulan af-bilow u ah Fasal-ciyaareedkii H. Ingiriiska ee Premier League oo soo noqonaya todobaad dhamaadka xiga ayaa dhacaya maanta oo Axad ah marka ay Chelsea foolka ku diirto guuleedyada FA Cup ee Arsenal oo ay ku ballasan yihiin kulanka kala baxa ah ee koobka FA Community Shield oo ku qabsoomaya Wembley.

Kulankan ayaa imanaya 64 maalmood kadib goortii ay Gunners sanad-ciyaareedkeeda kusoo gabagabaysay guul ay afar gool iyo waxba ku xaaqday kooxda Aston Villa oo ay ka qaadday koobka FA CUP.

Macallinka Chelsea ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in hujuumka Diego Costa (muruq) iyo gaashaanka Gary Cahill (sanka looga badnaa) ay iminka ka faya qabaan dhaawacyadaa kasoo gaarey kulamadii iskululayska ahaa ee xilli-horaadkan.

Hadaba hoos ka dhegeyso warbixin uu kulankan ka diyaariyay Tifaftiraha GoolFM.net ee Maxamed Xaaji Xuseen Raage.

Arsenal-v-Chelsea1

Gool FM, Gothenburg


Daily Mail: Everton waxa ay diyaar u tahay mar saddexaad in ay dalab ka diido Chelsea

$
0
0

Stones

(Liverpool) 11 Agoosto 2015. Kooxda kubadda cagta ee Everton waxa ay diyaar u tahay in ay diido dalab £30m ah oo la filayo in ay Chelsea ka soo gudbiso John Stones sida ay wararku qabaan.

Daafacan reer England ayaa bartilmaameed u ah Chelsea inkastoo Everton ay dhowr mar ku cel celisay in uusan iib ahayn.

Sida laga soo xiganayo Daily Mail, Chelsea waxa ay diyaar u tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaba-gabeyso saxiixyada Stones iyo dambeedka biddix ee kooxda Augsburg Baba Rahman waxa ayna horumariay dalabkii John Stones.

Everton waxa ay diyaar u tahay in aysan mankeeda badali doonin halka aan la fileyn in Stones uu codsado bixitan.

Hase ahaatee, dhinaca the Merseyside waxa ay wali baadi goob ugu jiraan badalkiisa iyaga oo isha ku haya daafaca dhexe ee reer Holland Virgil van Dijk kaas oo ay sidoo kale dooneyso Celtic.

Gool FM.

 

 

UEFA SUPER CUP: Kooxda Barcelona oo soo qabatay AC Milan (Sidee kooxuhu ugu kala guulaysteen?)

$
0
0

(Tbilisi) 12 Agoosto 2015 – Kooxda Barcelona ayaa caawa kulan xamaasad badnaa oo ku qabsoomay caasimadda Georgia ee Tbilisi kadib markii ay kulan ilaa dhamaadkii waqtigii dheeriga ahaa 4-4 ahaa balse ay markii dambe  5-4 ku dishey kooxda Sevilla.

Barcelona ayaa sidaa markii 5-aad ugu guulaysatey European Super Cup iyadoo soo qabatay kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga oo ahayd kooxda qura ee 5 jeer koobkan horay u haysatey.

SIDEE LOO KALA QAADAY KOOBKAN?

5 jeer -  AC Milan iyo Barcellona.
3 jeer - Liverpool.
2 jeer - Real Madrid, Ajax, Juventus, Anderlecht, Atletico Madrid iyo Valencia.

s1

Gool FM

Taiwo Awoniyi o u soo duulaya England si uu u dhameystiro ku biiristiisa Liverpool

$
0
0

tay

(Liverpool) 26 Agoosto 2015. Weeraryahanka Nigeria Taiwo Awoniyi aya toddobaadka soo gaari doona England si uu tijaabadda caafimaaad ugu maro Liverpool.

17 jirkan waxa Reds lala xiriirinayey xagaagan oo idil iyada oo uu isha ku hayo Rodgers keenida da’yar tiro badan Anfield.

Heshiiska waxa iminka xaqiijiyey af-hayeenka xiriirka kubadda cagta Nigeria.

“Awoniyi waa uu toddobaadka u amba-bixi doona England si uu qandaraas ugu saxiixo Liverpool.” Ayuu Timi Ebikagboro u sheegay

“Taas waa sababta uusan halkan hada tababar ugu joogin”

Da’yarta Nigeria waxa ay isu diyaarianyaan taranka All African Games.

Gool FM.

 

CADDAYN: Mourinho oo buska kaga tegey macallimiinta kale ee EPL (Yaa ugu fiican?)

$
0
0

(London) 30 Agoosto 2015 - Jose Mourinho ayaa shalay qabtay ciyaartiisii 200-aad ee Premier League taasoo dabcan laga adkaaday - laakiin saasooy tahay waa macallinka ugu rikoodh wanaagsan taariikhda horyaalka EPL, isagoo bannaanka dhigay Sir Alex Ferguson, Arsene Wenger & Rafael Benitez..

Mourinho ayaa horyaalkiisii 3-aad ee Premier League sanadkii tegey hantay - isagoo sidaa ku bareejeeyay horyaallada uu qaaday Wenger, balse marka ay dhibcaha guulaha kulamada noqoto waa ninka 1-aad.

s

s1Mourinho ayaa badiyay 137 kulan 200 kulan, halka Ferguson uu badiyay 122 kulan markii Manchester United hayay 200 oo kulan. Wenger isagu wuxuu soo marayaa 110 guul 200 oo kulan. Ninkan dabciga sirgaxan ee reer Portuguese ayaa kaaga darane wuxuu guuldarro la’aan kula naalloonayay Stamford Bridge 77 kulan, kahor intii aysan ka jejebinin kooxda Sunderland oo ukumaha ka jejebiyay 2014. Marka la eego dhanka boqolleeyda Mourinho ayaa dabcan kaalinta 1-aad sidaa ugu jira isagoo leh 69%, waxaa ku xiga Manuel Pellegrini oo 68% maraya iyo Wenger oo 58% soo socda. s Gool FM

Javier Hernandez : “Waad mahadsantihiin Manchester United-tii cajiibka ahayd-deey”

$
0
0

(Manchester) 03 Sebtember 2015. Javier Hernandez ayaa uga mahadceliyey jamaahiirta Manchester United taageeraddii ay u muujiyeen markii uu ku biiray Bayer Liverkusen.

Laacibka Mexico waxa uu soo gaba-gabeeyey shan sano oo uu ku sugnaa Old Trafford isaga oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Bundesliga-ha ka dhisan.

Hernadez oo uu Premier League-ga keenay Sir Alex Ferguson ayaa sanadihii dambe hoos uga dhacay xulashada Red Devils.

Waxa uu ku soo qoray Instagram-ka: “Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo Alex Feguson iyo Jim Lawyor, shaqaalaha kooxda, ciyaaryahaandda oo dhan ee aan la delay, laakiin khaasatan taagereyaasha Manchester United ee UK iyo dunida dacaladeeda taageereaddi la yaabka lahayd ee ay ii muujiyeen afartii sano ee la soo dhaafay iyo wanaagii badnaa ee ay ii rajeyeen ee baalkeyga cusub# Waad mahadsantihiin#MUFC#GGMU#2Premier league19/20 #60 gool #bilow# waad mahadsantihiin”.

Chicha

Gool FM.

Madaxa XSCF oo ka warbixisey Shirweynihii & Ciyaarihii Caalamiga ahaa ee Beijing 2015 + SAWIRRO

$
0
0

(Muqdisho) 07 September 2015- Xiriirka Cayaaraha Fudud ee dalka waxaa uu ugu horeeyaa xiriirada dalka ee Calanka Soomaaliyeed badanaa geeya fagaarayaasha caalamka marka ay timaado ka qeybgalka tartamada ciyaaraha fudud iyo sidoo kale shirarka caalamiga ah.

Masuuliyiin iyo Ciyaaryahano kasocda Soomaaliya oo ay hogaamineyso Gudoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo Aaden Daahir ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay iyagoo kasoo qeybgalay Horyaalkii Ciyaaraha Fudud ee Caalamiga iyo Congress-kii 50-aad ee Xiriirkaasi oo ka dhacay Magaalaba Beijing ee dalka Chine.

Khadiiijo Daahir oo Garoonka Diyaaraha Aden Cadde kula hadashey Warbaahinta markii ay dib usoo laaabteen ayaa sheegtay in Kulanka iyo Tartankaasi uu ahaa mid si weeyn loo soo agaasimey ayna kasoo qeybgaleen dhamaan ciyaaryahanada qeybaha ciyaaraha fudud ee caalamka ugu caansan.

“Runtii waxaanu inagga Soomaaliya ahaan halka ku tagnay Wafdi aan Hogaaminaayey uuna kamid ahaa Gudoomiye ku xigeen C/Qaadir Caraalle, masuuliyiin kale iyo ciyaartoy inooga qeybgalay qeybta Orodka 5000M. guul ayuuna kusoo dhamaaday”

“Waxaa halkaasi lagu qabtey ugu horeeyntii Shirweynihii 50-aad ee Xiriirka Ciyaaraha fudud caalamka oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan dalalka xubnaha ka ah IAAF oo Soomaaliya ay qeyb ka ahayd,waxaana lasoo bandhigey wax qabadkii iyo dib u dhicii xiriirka sanadihii lasoo dhaafey,iyadoo kadib la guda galay Ajandaha Doorashada Gudoomiyaha oo ay u tartamayeen Gudooyihii xilka hayey ee Sergey Bubka iyo Ninka England u dhashey ee Lord Coe halkaa oo 115 Cod guushu ku raacdey Coe oo hore gudoomiye ku xigeen soo noqdey sidaana kaga guuleystay 82-sano jirka Senegal Lamine Diack, oo helay 92 cod kaasoo 16 sano maamulayey IAAF” sidaa Marwo Khadiijo ayaa saxaafadda u sharaxday.

Marwo Khadiijo ayaa sidoo kale xustey in halkaa ay kulamo gaar gaar ah kula yeesheen Masuliyiinta Xiriirada Ciyaaraha fudud dalalka caalamka qaarkood waxaana ay kala hadleen xaaladda Ciyaarayaha fududee Soomaaliya iyo sida ay kusoo shaqeeynayey waqtiyadii bur burka dalka uu ku sugnaa iyagoo ku balamay iskaashi iney ka yeeshaan howlaha Horumarinta Ciyaaraha Fudud.

Madaxa ugu sareeya XSCF ayaa ugu danbeyntii waxaa ay Hambalyeeysay Ciyaaryahanka Magaca Soomaaliya uga qeybgaley ciyaarahaa ee Suleymaan Cabdulle Borai oo dadaal xoogan sameeyey isla markaana markii ugu horeeysay sanado badan kadib sababay in Dhibcihiisa lagu qoro Boorka Diiwaanka ee IAAF, sidoo kale waxay Hambalyeeysay Xidiga Soomaaaliyeed ee Britain u orda ee Maxamed Faarax oo Record halkaa ka sameeyey,iyadoo Bulshada Soomaaliyeed la qeybsaneysa Farxaddaasi.

C/Xafiid C/samad Zaciimka

Gool FM  Muqdisho

232 3 4

10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23

DHEGEYSO: Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan kulanka AC Milan & Milan (Tebintii Xaaji)

$
0
0

(Milano) 13 Sebt 2015 – Ugu dambayntii, kadib sugitaan laba todobaad ah oo la ciyaarayay kulamo caalami ah, waxaa iminka yimid kulanka adag ee AC Milan & Inter Milan oo ku caan baxay magaca Derby Della Madonnina. Hadaba halkan hoose ka dhegayso warbixin uu ka diyaariyay Maxamed Xaaji oo ah tifaftiraha Gool FM.net.

HANNAANKA CIYAAREED – Wuxuu noqon doonaa kulan xiise badan oo dhexmari doona saaxiibada / cadowga Roberto Mancini iyo kaaliyihiisa hore ee Sinisa Mihajlovic, waxay wada ciyaarayaan shaxda 4-3-1-2, oo ka dhigan in ninkii abuuri lahaa baaska kama dambaynta ah ee go’aamiyaha ah la dhigo halka u dhaxaysa weerarka iyo khadka dhexe, taasoo haddii la doonana loo bedeli karo 4-3-3, markaasoo ay laacibiintii lambarka buuxa ay baalka ama dadabka u sikanayaan si ay weerarka 3 ugu noqdaan.

TAFAASIISHA CIYAARTA – Derby-gan waxaa go’aamin kara tafaasiil yar oo ay kooxuhu ku kala duwanaadaan, tusaale ahaan kubad laad-gees ama koorno ah, laad xor ah, xitaa rigoore ama hal baas oo khaldamay ayaa lagu kala bixi karaa, markaasoo uu senti mitir kasta muhim noqonayo.

Inter waxay ka fikiraysaa inay Gary Medel, oo dhererkiisu yahay 1.71 m ay ka dheelsiiyaan dambeedka daafaca, waa nin murqaani ah oo caadiyan ku abtirsada raace burburiye ah oo khadka dhexe ah, lkn inuu difaac ku celiyo qanaasyada dafdafta badan ee Luiz Adriano iyo Carlos Bacca waxay u baahan tahay tijaabo la arki doono, sidoo kale Milan lafteedu daafac ahaan dood baa ka taagan gaar ahaan ninkii soo labayn lahaa Romagnoli iyadoo ku yabaalsan midkood Zapata ama Rodrigo Ely oo ah wiil aad u da’yar.

MURQO-SHEEGAD – Sida cad ciyaartani kama marna legdin iyo xoog-sheegad, harowsi iyo hanjabaad dadban iyo mid toos ah intaba, markii astaamahaa laga yimaado misna waaxda ciyaartan laga go’aamin doonaa waa khadka dhexe oo ay Inter Milan u joogaan rag ay ka mid yihiin Felipe Melo iyo Geoffrey Kondogbia, waa hargaantiyaal miisaan culus marka ay timaaddo dhanka raacista, waxayse goobta dagaalka kula loollami doonaan Juraj Kucka, Riccardo Montolivo iyo sidoo kale raace-dhisaha Jiacomo Bonaventura.

Kooxda Nerazzurri ayaa markii ciyaarta laga eego dhanka dhamaystirnaanta kooxeed u muuqata midda lasoo dhufan karo, marka ugu yaraan warqadda laga eego, waloow aysan qaab ciyaareed ahaan weli haakah kaga siinin daawatada, taasoo aad weliba ku darsanayso inay Milan laba jeer dibrisay ciyaarihii xilli-horaadka, hadana waxaa lagu doodi karaa inay taasi ahayd jeer aysan Inter soo iibsanin in badan oo ka mid ah xidigo oo haatan u safan.

WEERARTAN/DIFAACTAN XEELADAYSAN – Marka ay timaaddo dib u gurashada xeeladaysan iyo weerrada qorshaysan kooxda AC Milan waxay gacan taagan kartaa markii laga hadlo weerarrada rogaal celiska ah, waayo waa koox haysata nimanka gool-ugaarsiga magaca ku yeeshay ee misna orodka badan ee Carlos Bacca iyo Luiz Adriano, weliba ninka Colombian-ka waxay Inter qaraarkiisa kusoo dhadhamisay koobkii Trofeo Tim, waana nin ay markan il gaar ah u yeelan doonto.

Yeelkeede, markii la eego khadka dhexe waxay u muuqataa in Milan woxoogaa looga gacan sarreeyo, waloow ay kubadi is faham tahay, misna Inter ayay ishu si wanaagsan u qabanaysaa markii waaxdaa la eego.

GACAN-2AAD – Marka loo baahdo in kaalmo ka baxsan safka 1-aad loo qayla dhaansado waxaa maanka markiiba kusoo boodaya Adem Ljajic oo Inter ah iyo Mario Balotelli oo u muuqda nin Milan qaab dhaqan celin oo kale ah iminka u jooga, waxaase la wada ogyahay inay labaduba yihiin niman halistooda leh haddii ay fursadba ka helaan kulanka habeenkan.

Si kastaba Derby Della Madonnina oo ka mid ah derby-yada ugu xiisaha badan caalamka waa mid leh astaamo gaar ah oo uu kaga duwan yahay kuwa kale ee caalamka, waxaana caawa soo buuxsami doona garoonka San Siro oo aan marnaba marnayn marka ay isku fara saarayaan maqaawiirta Milanese-ka ah ee Inter & AC Milan oo ay midiba caawa ku mashquuli doonto sidii ay midda kale u muquunin lahayd.

s

Gool FM


DR. CALI CUSMAAN: “OLYMPIAN SMITH & CARLOS OO GILGILAY OLYMPIC 1968″ + SAWIRRO

$
0
0

(Atlanta) 16 Oktoobar 2015-  Tartankii Olympigadda ee lagu qabtay dalka Mexico sanadku markuu ahaa 1968 ayaa Ciyaaryahanaddii ka soo jeeday Dalka Mareykanka gaar ahaan Qawmiyadda Madaw  oo kala ahaa Tommy Smith iyo John Carlos waxa looga yeeray halka lagu bixiyo Biladaha,waxayna halkii tageen iyagoo ay gacmaha ugu jiraan gacan gashi(Gloves)  madaw iyagoo kor u taagay gacmahooda taa oo aheyd fal ay ku diidan yihiin qaabka loola dhaqmo Bulshadda Madaw ee Mareykanka,ficilkaas gacan taagida waxay socotay inta ay ka dhamaato Musiqadii Astanta u aheyd Dalka mareykanka,sidoo kale Ciyaaryahanadda Tommy Smith,Peter Norman oo Autralia u dhasha iyo John Carlos  waxa qorta ay ku siteen calaamad muujineysay qiimaha Xuquuqda Aadanaha

Subaxnimaddi ay Taarikhdu aheyd 16 October 1968 Ciyaartoyda ka tirsaneyd Xulka Ciyaarha Fudud ee dalka Mareykanka ayaa waxay ku guuleysteen Biladaha Dahabka ah iyo Maarta  ee 200MT,waxayna kala ahaayeen Tommy Smith oo ku guuleystaya Kaalinta Kowaad kuna orday 19.83 Seken iyo Peter Norman oo australia u dhashay oo kaalinta labaad ku guuleystay kuna orday 20.06 seken iyo John Carlos oo kaalinta sedexaad galay kuna orday 20.10seken,ka dib markii uu dhamaaday tartankii ayaa loo dhaqaaqay halkii biladaha logu bixin lahaa,waxaana biladahaasi diyaar u ahaa in uu bixiyo DAVID CECIL oo ka mid ahaa qoyska ugu sareyo Dalka Mexico,waxaase Ciyaartoydii ka socotay Dalka Mareykanka oo kaalinta Kowaad iyo Kaalinta Sedexaad galay gudoomeen Biladihii iyagoo kabo la’aan ah laakiin qaba iskaalso Madow taa oo lagu muujinaayey saboolnimadda qawmiyadaha Madaw ee Mareykanka,waxa sidoo kale qorta ku soo xirtay maro madaw Ciyaaryahan Smith oo uu ku cadeynaayey qab weynida Dadka madaw, ee Mareykanka ku nool wallow aysan helin xuquuqdooda,sidoo kale Cayaaryahan John Carlos isna soo qaatay calaamad lagu taageeraayo shaqaalaha ka soo jeeda qawmiyadda madaw si uu ugu muujiyo in ay garab taagan yihiin,sidoo kale waxa uu watay qor gashi lagu taageeraayo kuwa sida sharci daradda loo daldalay ama loo dilay oo maanta ayan jirin cid u barooraneysa,sida kale kuwa xuquuqdooda lagu tuntay,waxaana aan hubaa in ay tahay dhacdadaas midda taarikhda Olimpigadda hadal heynteeda aan waligeed istaageenin.
2
Gudoomiyaha Gudiga Olimpigadda Addunka oo magaciisa la yiraahdo AVERY BRUNDAGE oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa uu u arkay dhacdadaas in ay tahay mid aan mudneyn in la keeno tartamadda Olimpigadda,waxaana uu sheegay in ay ka soo horjeedo aragtiyadda ay Olimpikada ku qotonto,mana aha arrimaha Gudaha dalka mareykanka yaalo in la keeno meelo sidaan oo kale ah oo ay ku kulansan yihiin addunka oo idil,waxaana uu amray in Ciyaaryahanadda Tommy Smith iyo John Carlos laga saaro xeradda Olimpigadda(Olympic Village),waxaana arrintaa diiday Guddiga Olimpigada Mareykanka oo hogaaminaayey Ciyaartoydii ka socotay Dalka mareykanka,laakiin Gudoomiyihii Guddiga Olimpigadda caalamka ayaa waxa uu u sheegay Madaxda Olimpigadda Mareykanka in uu Ciyaartoyda Mareykanka oo idil uu ka saari doono xeradda Olimpigadda haddi aysan ka saarin Labada Ciyaaroy,halkiina ayaa looga saaray Xeradii Olimpigadda oo hoy u aheyd Ciyaartoyda addunka oo idil..
Afhayeenka Guddiga Olimpigadda addunka ee waagaas ayaa shir jaraa;id uu qabtay waxa uu sheegay in ficiladda ay ku kaceen Mr. Smith iyo Carlos aysan meelna uga jirin dastuurka Guddiga Olimpigada Caalamka,waxayna ku habooneyd in ay xushmeeyaan dastuurkooda iyo xusmadda IOC oo soo jireenka aheyd,dhanka kale Gudoomiyaha IOC ee waagaas Mr. AVERY BRUNDAGE waxa sida taarikhda laga soo wariyey uu ahaa Gudoomiyaha Guddiga Olimpigadda ee Dalka mareykanka sanadku markuu ahaa 1936 oo tartanka Olimpigadda lagu qabtay dalka Jarmalka,waxaana lagu xantaa in uu dabac u muujiyey markii keligii taliyahii xukumaayey Jarmalka ADLFO HITLER iyo shacabkii reer Jarmal ay dadkii ku salaameen astaanta gaar u aheyd dawladda Jarmalka oo uu horkacaayey HITLER,isagoo waa Mr. AVERY gudoomiyaha Olimpigadda USA sheegay in ay salaantaasi aheyd mid caadi ah oo la aqbali karo,laakiin middi lagu daafacaayey dadka dhibaateysan ee Mareynka Madaw ay tahay mid aan la qaadan karin.
Halyeeyadii Tommy Smith iyo John Carlos waxa laga faquuqay dhaman Ciyaaraha dalka Mareykanka,waxa wada cambaareeyey wargeysyadda ugu afka dheer ee ka faalooda Ciyaaraha Mareykanka …..wargeyska la yiraahdo TIME MAGAZINE ayaa waxa uu soo bandhigay shanta garanrir ee Olimpigada,isagoo sii raaciyey in ay haboontahay in la raaco nuxurka ay ku fadhiyaan caalamadaha shanta ah ee Olimpigadda ,waxa inta u dheereed iyadoo lagu xadgudbaayo iyo iyaga iyo qoyskooda oo lagu cabsi gelinaayo in la dilaayo…
Mr. Peter Norman oo u dhashay Australia kaalinta labaadna galay ayaa waxa uu u muujiyey saaxiibadii ay wada tartamayeen in uu arrinta xaqa ah oo ay wadaan kuna taageerayaan qawmiyadda Madaw uu ku garab taaganyahay,taa waxa uu kala kulmay in laga faquuqo Wargeysyada iyo Telefishinadda Isboortiga ka faalooda,waxaana loo diiday in uu mar kale uu ka qeyb galo tartan Olimpig ah ,waxaana uu geeriyooday sanadku markuu ahaa 2006 waxaana aaskiisii ka qeyb galaya saaxibadii Toommy Smith iyo John carlos.
Ugu dambeyntii ficiladda ay sameeyeen labaas halyeeyo waxa weeyo mid illa hadda la xusuusto eyna doonaayeen in diiradda la saaro aragtida Olimpigadda oo ah in la dhawro horumarinta ban;aadamka,lana dhawro xuquuqdo uu qof kastaba  leeyahay,iyadoo la bartilmaamedsanaayo qodobadda hoos ku qoran.
1)Hoy in loo helo kuwa hoy la;aanta ah
2)In la quudiyo kuwa baahan
3)In la daweeyo kuwa xanuusan
4)In la xoreeyo kuwa la gumeysto
5)In aan qofna lagu faquuqin midabkiisa
6)In la joojiyo Dagaalka iyo is dilka
7)In nabadda la dhaliyo iyadoo la xambaarsanyahay SHUCLADDA OLIMPIGADA.
145 6 71
Waxaa Diyaariyey.
Dr. Cali Cusmaan Cali

Halkaan ka dhageyso Taariikhda kooxda Chelsea, iyo Wariye Zakariye “Capital”

$
0
0

(London) 31 Okt 2015 Kulanti wanaagsan Asxaabeey meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, maanta waxaa halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariikhda kooxda kubadda cagta ee Chelsea oo kooban, waxaana idin la socod siin doona Wariye Zakriye C/Raxmaan Daahir “Capital”

TAARIIKHDA KOOXDA CHELSEA BY CAPITAL

Gool FM

Injineer Baana oo idaacadda Gool FM kala hadley bahda Kubadda koleyga Soomaaliya (Dhegeyso)

$
0
0

(Muqdisho) 01 Nof 2015- Kubadda koleyga dalka Soomaaliya iyo mida Qaaradda Africa FIBA Africa Zone V, waxay weeyn doontaa Mas’uul si weeyn loo tebi doono kaalintiisii horumarineed ee kubadda koleyga waana Injineer Baanna Cabdalla Cali oo dhowaan ku dhawaaqey inuu soo gabagabeeyey masuuliyadii uu ka hayey qeybahaasi uuna noqonayo Odey Sporti.

Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya, isla markaana ahaa Madaxii suuq-geynta FIBA Africa zone V, Eng. Baana Cabdalla Cali, oo Barnaamijka Falanqeynta Gool FM u waramayey ayaa ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba ka fariistay Maamulida Kubada Koleyga Afrika iyo Soomaaliya, isagoo u sababeeyey in xiligani ku mashquuli doono keliya howlihiisa kale,loona baahan yahay in Dadka kale ee Soomaaliyeed fursadaai loo dhaafo si ay dhankooda u qabtaan,maadama isagu sanado dhowra kusoo dhexjirey.

 

Eng. Baana Cali oo haatan ahaa Madaxii Warfaafinta iyo Suuq-geynta Guddiga Cayaaraha Kubada Koleyga ee Caasimada Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa waxaa uu suurta geliyey in Magaalooyinka dalka Soomaaliya ay ka qeybgalaan Ciyaarihii caasimadaha oo la xusuusto in Magaalooyin dalka ay labadii sano ugu danbeeysay soo gaareen kaalinta kama danbeysta ee Finalka taasoo ah Horumar lagu xusuusan doono Injineerka kaalintii wanaagsaneyd ee uu kulahaa.
Injineer Baana Cali oo ay ka muuqatey Soomaalinimo & sida uu u jecelyahay kor u qaadista Calanka dalkeena Soomaaliya fagaarayaasha caalamka  ayaa si weeyn ugu mahadceliyey Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Sportiga Kubadda koleyga,hadii ay noqon lahaayeen Gudoomiyayaal,Tababarayaal caan ah,masuuliyiin Kubadda koleyga, iyo ciyaartoy isagoo balan qaaday inuu had iyo jeer siin doono talooyinka looga baahdo sida aad ku dhegeysan karto wareysigiisa hoose oo aad u xiiso badan:
baan1
baana 2baana baana-ali-14
W/W: C/xafiid C/samad Zaciimka
  Soo-saaraha Falanqeynta Gool Fm

10-kii coltan ee ugu cuslaa macallinimada kubadda cagta! (Qaybtii 1-aad)

$
0
0

(Gool FM) 03 Nof 2015 – Waxaaa akhristayaasha u haynaa coltankii ugu cuslaa ee taariikhda soo mara laba macallin, anagoo gaar ahaan eegi doonna 10-kii ugu darrayd.

1. Sir Alex Ferguson and Arsene Wenger

Laba ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan ee koox maareeya waxaa lagu tilmaamaa Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger. Waa laba nin oo taariikh dheer ku leh kooxohooda Manchester United iyo Arsenal sida ay u kala horreeyaan.

Yeelkeede, wixii ka dambeeyay bilowgii kun-sanaalaha 2000 ayay sii qaraaraatay coltanka ciyaareed ee laba oday u dhaxaysa, markaasoo dabcan ku beegnayd xilli ay labada kooxi ugu xoogganaayeen horyaalka EPL.

Waxaa dhexmari jiray dagaal afka ah oo kulul, balse saasooy tahay labada oday waxay isu muujin jireen ixtiraam oo iskuma talax tegi jirin, waxaana dhacday in markii uu howlgabi rabey SAF ay labada nin heshiiyeen.

Wuxuu coltankaasi ahaa mid shidi jiray kulamada labada kooxood, sidoo kale micne u samayn jiray taageerayaasha labada dhinac, sidoo kalana hal abuur kasoo saari jiray labadan macallin laftooda.

2. Pep Guardiola and Jose Mourinho

Guardiola-MourinhoSource: sportige.com

Haddiiba ay noqoto in wax laga qoro kulaka kulul ee El Clasico, ma jirto hab kale oo ka wanaagsan in lasoo hadal qaado xafiiltankii dhexmaray Pep iyo Jose.

Ninka Spaniard-ka ah iyo dhiggiisa Portuguese-ka ah waxay noqdeen laba nin oo si kasta u loollama, loollan xitaa kaba badan 3-da dhibcood ee ay dhalayso guul ay kala gaaraan.

Guardiola ayaase guusha inta badan qaatay waayo 2 jeer buu hantay koobka La Liga marka loo eego Jose oo mar qura qaaday, labada ninba waxay isku dayi jireen inuu midba midka kale ka badiyo, balse Mourinho isagu dagaal dhanka macnawiyadda ahna wuu isku dayi jirey.

3. Brian Clough and Don Revie

Revie iyo Clough isku koox ayay ahaayeen oo Middlesbrough ayay u dheeli jireen, sidoo kale qaranka ayay isula ciyaareen. Labaduba waxay deeto ku biireen macallinimada heerka 2-aad oo ay kala layliyeen Clough oo Derby County laylinayay iyo Revie oo Leeds United watey.

Clough wuxuu had iyo jeer dhaliili jirey sida uu saaxiibkii u laylinayay Leeds United isagoo ku eedaynayay inuu kooxda ka dhigay koox qalato ah oo dagaal badan. In kastoo laftiisa lagu bedeley isla Revie, waxaa Clough Leeds Utd laga eryay kadib 44 maalmood markii uu ahaa macallinka Leeds.

La soco qaybta 2-aad….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Tifaftiraha: Gool FM.net

DHEGEYSO: BAYERN V ARSENAL…Warbixin ku saabsan kulankan & kulamada kale ee CL (Tebintii Max’ed Xaaji)

$
0
0

(Gool FM) 04 Nof 2015 – Bilowgii wanaagsanaa ee ay Bayern Munich fasal-ciyaareedkan ku ballaysay, wuxuu ku barriiqday guuldarradii 2 todobaad hortood ku qabsatay magaalada London ee Carro Ingiriis.

Taasoo dabcan dhalinaysa Bayern oo caawa u ciil cunsan Arsenal aarsina ka buuxo, balse Arsenal waxay beryahan u muuqatay koox miisaankii ay u baahnayd heshay oo daafac ahaan iyo weerar ahaanba isu dheelli tirrayd, adigoo taas u daliishan kara shan guul oo xiriir ah oo ay ka gaartay horyaalka EPL oo ay musharrixiintiisa ka mid tahay.

Taa bidaalkeeda, Bayern baa u muuqata mid woxoogaa ka degtey gaaskii ay weerarka ku karraarinaysay, iyadoo dhintay daafaddii iyo kaynaantii ay ku socotey, taasoo ay cadaynteeda nooga filan tahay in qanaaska Robert Lewandowsk oo 16 gool dhaliyay uu maalmahan yara qayooday sidii roob xagaa, isagoo hal goo oo qura dhaliyay 4tii ciyaar ee ugu dambeeyay.

Haddaba ciyaartan adag iyo kuwa kale ee caawa dhacaya waxaa warbixin ka diyaariyay Maxamed Xaaji ee hoos ka dhegeyso.

s

Gool FM

Viewing all 137 articles
Browse latest View live